Thursday, February 13, 2014

Guri-ceel: ONLF loo dhiibay Ciidamo Itoobiyaan ah oo Al-shabaab raadinaya


Guri-ceel(GNA)-Dagaalyahano ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo hawl-galo ka wadda Deegaamada Guri-ceel.




Ragan ayaa lagu qabtay Maagaalada Guriceel, ka dibna waxa loo gacan geliyay Ciidanka Sirdoonka Itoobiya, sida ay sheegeen  saraakiisha amaanka Gobolka.




Maamulka Ehlusuna waljameeca iyo Odoyaasha deegaankaa ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen xariga xubnahan iyo u dhiibista Itoobiya




Warar laga helayo Ururka ONLF waxay ku eedeeyeen Xariga xubnahaan Odoyaasha deegaanka Guriceel iyo Ururka Suna wal jameeca.




Hase ahaatee Maamulka Degmada Gurceel oo Warbaahinta la hadlay, ayaan ka hadal ragan  ONLF ka tirsan ee Itoobiya loo dhiibay.




Gudoomiyaha degmada Guriceel Taar-dhuleed, ayaa sheegay inay Deegaamadaasi ay soo gaadheen Ciidamo ka socda AMISOM oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo uu sheegay inay Gobolka ka sifeynayaan khawaariijta Al-shabaab.




Taar-dheer, ayaa soo dhaweeyay ka mid noqoshada Ciidanka itoobiya ee hawl-galka AMISOM.




Gobanimonews




Gaalkacayo Office