Monday, February 3, 2014

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo Dhalinyarada ka waaniyay Qabyaalada iyo kala qaybsanaanta


 



vlcsnap-2014-02-03-15h25m50s93



Burco(GNA)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay, dhalinyaro ka mid ah kooxaha Kubadda cagta ee Gobolka.




Maxamed Muuse Diiriye ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay, kulamo uu la yeelanayo qaybaha Bulshada iyo Kormeer goobaha waxbarashada Caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ku guda jira.




Kulanka maanta oo ay ka qayb-galeen Kooxaha u kala ciyaara Dawladda hoose, Ciidanka Asluubta, Duulista Hawada iyo Wakaaladda Biyaha, ayaa Guddoomiyuhu dhalinyarada kala waaniyay inay ka fogaadaan qabyaalada iyo kala qaybsanaanta dhexdooda ah.




Labadan qodob ee uu kala hadlay dhalinyarada ayaa muddooyinkan dambe la dareemayay inay ku soo kordheen Magaalada Burco, taasoo dadka waayeelka ah iyo waxgaradka ku abuurtay walaac.




Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Burco iyo Saraakiil kale oo laamaha dawladda ka socda, ayaa kulankaasi ku wehelinayay badhasaabka.




Mid ka mida Dhalinyaradii kulanka ka qayb-galay ayaa Wariyeyaasha Gobanimo u sheegay in lagala hadlay sidii ay kooxaha  ciyaaruhu uga fogaan lahaayeen qabyaalada “wuxuu nagala hadlay badhasaabku sidii aanu isaga ilaalin lahayd Qabyaalada iyo kala qaybsanaanta, sidii Ciyaaraha looga ilaalin lahaa arintaasi”ayuu yidhi Ciyaaryahankan oo ka tirsan kooxda Wasaaradda Duulistu.




Waxaanu intaasi ku daray “runtii waanu soo dhaweynay, waanan soo dhaweynaynaa oo waa talo fiican”ayuu yidhi.




Guddoomiye Maxamed Muuse Diiriye oo intii kulankaasi socday hadlay, ayaa sheegay inay qabyaaladda iyo waxyaabaha kale ee la halmaalaa, fool xumo iyo dib u dhac ku keenayaan horumarka Isboortiska Gobolka,sidaasi darteed loo baahanyahay inay bulshada oo dhami ka fogaadaan.




Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Maamulka Gobolka iyo laamaha kale ee dawladduba gacan ka geysanayaan sidii arimahaasi dhalinyarada looga badbaadin lahaa, loona horumarin lahaa Ciyaaraha iyo waxyaabaha kale ee ay u baahanyihiin.vlcsnap-2014-02-03-15h26m01s205 vlcsnap-2014-02-03-15h26m09s29




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com