Xukuumada Axmed-siiraanyo ma danayso danyarta,mana oga dhibaatooyinka la hoyga noqday,waxay se danaysaa halkay caano ka helayso oo ay ka mid yahiin sharkadaha dalka iyo kuwa shisheeye.
Aan idiin iftiimiyo nolosha dhabta ah ee ku xeeran danyarta caruur-toodu ay dugsiyada ku jiraan:
1.Dirayska gaarka ah ayuu dugsi waliba leeyahay.
2.Sabuurada waxba looguma qoro ee buuga ayaa wax loogu qoraa. 3.Buugaagta waa lagaa iibinayaa,hadii schoolka laga bedelo ma qaadan karo.
4.imtixaanada marka laga aadaya bishii waxa la odhaayaa 1 doolar bixi.
6.Maalinta meel la gaynayo(Visit) waa lacag oo waalidka ayaa bixiya.
7.Buugaagta inanka sannadka koobaad ka gudbay walaalkii ma qaadan karo,6buug oo min 3dollar ah waa in waalidku bixiyaa.
8.Nusu-saacaha xataa raashin khafiif ah ayaa lagaga iibiyaa schoolka hortiisa.
9.Buseskii iyaguna waa lacag.
9.Markaa waxa dugsiyadii laga-helayaa ganacsi lagu xaalufinaayo jeebka danyarta,waxaana sidaa ka masuul ah wasaarada waxbarashada.
Bal hadaba eesh qiyaasak danyarta 2caruurii u dhigato malcaamada ee midkiiba bishii laga qaado $5,3dexna u dhigtaan dugsiyada h/dhex iyo sare ee laga qaado waxaasoo kharash ah,mid ama labana u dhigtaan jaamacada ee midkiiba laga qaada $240 peer semester.
Danyarta waxa intaa u dheer 4cashuurood oo dawlada hoose iyo dawlada dhexe ka qaadaan,ka darane cashuuraha hada la kordhiyay ee ardiyada iyo qasabka ardaydii lagaga dhigay qaadhaanka wadada ceerigaabo oo hadii ay bixin waayaan lagaba soo eryaayo dugsiyadii.
Hadaba waxa isweydiin leh waxan ay xukuumada Axmed-siiraanyo la soo taagan-tahay ee ay mar kasta ku faanayso yaa garanaya,hada danyartana weli biyo umay helin caruurta shaaha loogu kariyo.
Ma xukuumada nolosha dhibta badan ee danyarta la hoy noqotay wax ka qaban wayday ee hadana codka ku saartay hogaanka dalka ayaa cadaalad looga fadhiyaa.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL