Burco(GNA)-Maayirka deegmada Burco ustaad maxamed muraad ayaa Ku Biiray Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid maalin sadexaad waxaana maayirku shir qarsoodiya hotel cigaal kula yeeshay Musharaxa xisbiga ucid Aqoonyahan Jamaal Cali xuseen.
Burco(--) Cilaa qaad qarsoodiya ayaa dhex maray Maayirka Degmada Burco iyo Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbiga Ucid sida la baahiyay.
Sawir soo baxay maanta ayaa muujinaya Jamaal Cali Xuseen iyo Maxamed Muraad oo meel wada fadhiya, isla markaana dareen ahaan wada joogistoodu muujinayso arrimo siyaasaddeed.
Jamaal Cali Xuseen ayaa todobaadkii hore dhamaadkiisii booqasho ku yimi Magaalada Burco isagoo hogaaminaya wefti xisbigiisa ka tirsan.
Weftiga uu hogaaminayay ayaa waxa Duleedka Degmada Sheikh kaga horyimi Badhasaabka gobolka Togdheer, Maayirka Burco iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose, kuwaasoo ka codsaday inaanu weftigiisu fowdo ka abuurin Magaaalada.
Weftiga Jamaal ayaa ku gacan saydhay codsigaais, waxaanay taageerayaashooda kula kulmeen Xafiiska Guud ee Xisbigu ku leeyahay Burco.
Isla maalintaasi weftigu soo gaadhay Burco waxa Casuumad qaddo ah Hudheelka Cigaal ugu sameeyay xoghayaha Fulinta dawladda Hoose ee Degmada Burco Cismaan Maxamed Sheikh Cismaan Nuur.
Warar hoose oo la helay ayaa tibaaxaya in weftiga UCID intii ay joogeen Burco uu kulan dhex maray Maayir Muraad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka.
Warka ayaa intaasi inay ku heshiiyeen wada shaqayn iyo xidhiidh siyaasaddeed oo dhex mara labada dhinac, kaasoo aan la ogayn inta ay qotadiisu le’egtahay, hase ahaatee saameyntiisa leh.
Maayir muraad ayaa ka soo baxay Doorashadii Deegaanada Ururkii Rays ee ku biiray Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanu isla wakhtigii Ururkiisu hadhay wax yar ku biiray Kulmiye.
Xisbiga Ucid ee lagu xamanayo inuu xidhiidh la sameeyay, ayaan taageero balaadhan ku lahayn Magaalada Burco, marka laga sawir qaato imaanshiyihii Weftiga uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com