Gareth Bale ayaa lagu soo warmayaa in uu ku soo labanayo Real Madrid kulanka semi finalka Copa del Rey lugta koowaad oo ay la ciyaari doonaan Atletico Madrid Arbacada.
Laacibka Wels ayaa dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu danbeysay oo uu ku jiro barbarihii 1-1 ahaa ee ay xalay lagaleen kooxda Athletic Bilbao.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Spain Bale ayaa maanta ka qeybgalay tababarka kooxda waxana la filayaa in uu diyaar u noqdo kulanka Barnabeu ka dhici doona todobaadkan.
Bale ayaa waxaa hareeyay dhaawacyo tan iyo markii uu xirfadiisa u wareejiyay Spain laakiin waa uu fiican yahay maxaayeelay waxa uu dhaliyay 10 gool ilaa iyo hada.le