Aduunyada inta la joogo ee la noolyahay qofwaliba waxaa uu ku leeyahay dhacan uu soo qaado dabeeto uu saaro meesha baylahsan ee u baahan in labaylah tiro waana masuuliyad wayn oo aan la odhan karin waxay saaran tahay cid gaara nasiib daro se masuuliyadaasi waxaa garata isla markaana fulisaa waa in yar ama waa tiro yar oo iyagu isku xilsaara inay gartaan waajibaadka saaran ee ay tahay inay soo kordhiyaan si kastaba ha ahaatee cida maanta waajibaadkaasi saaran garatay ee siday ahayd uga soo dhalaashay isla markaana hadh iyo habeenba u taagan sidii ay hadba wax qabad cusub u soo bandhigi lahaayeen ama adeegyo cusub bulshada ugu keeni lahaayeen waxay noqotay shirkada diyaaradaha ee daalo airlines oo ku guulaysatay
inay dalka keenaan diyaarad aan nooceedu hore u soo fadhiisan dalka waa nooca looyaqaano air bus wayn oo tiro aad u badan oo rakaab ah qaadaysa isla markaana ah diyaarad casri ah runtii arintaasi shirkada diyaaradaha ee daalo waxay ku mudan tahay amaan iyo in lagu bogaadiyo guulaha lama ilaawaanka ah ee ay umadooda u soo hooyeen waxaan odhan karnaa waxay xidheen iskoor aan hortood la xidhin oo qaali ah.
dhinaca kale shirkada daalo waxay wadanka kala soo kifaaxday maraaxil ama wakhtiyo aad inoogu adkaa waayo daalo waxay wadanka ka bilawday adeegeeda wakhti ay adkayd in umadu isku xidhanto waxaanay ka qayb qaadatay kobcinta dhaqaalaha umada iyo isu socodkooda in taba
waxay si wayn uga qayb qaadatay fidinta siyaasada wadanka waayo waxaa maalin walba raaca masuuliyiinta qaranka kuwaasoo shaqo qaran u baxaaya daalo la ,aan teedna may suurta gasheen bixitaankoodu waxaa kale oo ay daalo qayb libaax oo lama hilmaamaan ah ka qaadatay soo gudashada cibaadaadka ilahay inagu adoon saday kuwa ugu qaalisan oo ah soo gudashada xajka.
shirkada daalo waxaa ka hawl gala shaqaale aad u badan oo wadanka u dhashay halkaana waxay ka qayb tahay korinta ama dhiira galinta shaqo abuur ee dhalin yarada wadanka.
sidaa awgeed anigoo aan halkan ku soo koobi karahayn waxqabadka iyo guulaha ay gaadhay shirkada diyaaradaha ee daalo ayaa waxaan leeyahay daalo amaan bay inaga mudantahay.
BY: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)