Dawladii kacaanku waa ay AMAAN JECLAYD bal siilanyo eega xukunkiisa iyo sida ay ujeceshay in had iyo goor la amaano.
Wacan oo wanaagsan dhamaan umadda ku hadasha afsoomaliga gaar ahaan ummada reer Somaliland iyo saxaafada xorta labada waan idin salamay .
Maan jeclayn in aan wax qoro amab maqaal kaga hadalo waayadan waaban iska dhaafay waayo danbigeeda iyo xasaradeeda ayaan uga gaabsaday laakin kolba waxaad arkay waxyaabo badan oo kaayabiya aanad kana adkasan in aad wax katiraahdo waayo xadiis uu nabigeeni ku yidhi
(Naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee))kuyidhi hadii aad dulmi aragto gacanta waxgaga qabo hadii aanad awoodin afka wax kaga qabo hadii aanad awoodin qalbiga ka nac waana taas takeentay in aan wax ka idhaado dhibka ,dulmiga iyo lagu hayo shacabka xariirita reer somaliland ee uu ku hayo xukunka qayrul masuulka ah ee siilayno iyo casaabtada wadankii ku habstay .
Hadba waxan doonaya in aan kajawaabo toban waxyaabood oo ay iska matalaan
Madaxweyne SIILAANYO IYO MACALINKIISII MOHAMED SIYAABRE ( AFWEYNE)
ood ogaydeen iyo meeshii ay ku danbesay
Waxan lasoconaa wakhtigii uu kubiraay siyaasada SIILANYO iyo marxaladaiii uu soomaray ilaadawaldihii rayidka ahaa tii kacaanka, SNM IYO DAWALDIHII SOMALILAND hagu horayso cadigii INA CIGAAL ILAHAY HAW NAXARIISTEE.
Hadba waa kuwan 10 kii qodob ee ay iska shabahaan kacaankii afweyne
1. Dawladii kacaanku waa ay AMAAN JECLAYD bal siilanyo eega xukunkiisa iyo sida ay ujeceshay in had iyo goor la amaano.
2. Dawladii kacaanku waxay dishooday eex iyo qaraabka kiil iyo qabyaalada oo qarankii ka xoogbadisay inkastoo afweyne uu yidhi qablyaada waan aasay hadan wuxuu aasay cadaaladii.
3.Dawladii kacaanka waxa xukunka fasahaadiyey EHELADII Madaxweyna waanad lasocodtaan in wadanku uu gacanta ugalay qoska madxaweyan bal xukunka somaliland maanta eega yaa dhibka wada ee wadanka qasaaya waa XAASKII MADAXWEYNA WIILLKII UU SODOGA U AHAA IYO INANKA YARE XIRSI INTUBA WAA QARABADII SIILAANYO.
4.Dawladii kacaank waxa laxalaashaday sanadihii danbe xoolihii umada waxana lasocoteen wixii dhacay ee musuqmaasaqa bal maanta eega wixii siilanyo ka cabaadi jiray 30 sano laaluusha musuqmaasaqa boobka hantida qaran aan loo aabo yeelin .
5.Cabudhinta saxaafada iyo shacabka oo ay caanku ahayd dawaldii kacaanku maanta xukunka siilanyo oo lajoog 2014 waad aragtaan waxan maqali jiray ku koqosle CAPTIAN ku fay maanta maxaa jira in TV UNIVERSAL FILM CARTON in 50 wariye kabadan xabisyada ladhigo in wargeesyadi duhurka cad laweeraro in cuqaashii , xubiyada culimadii iyo dhalntii dumarki midnba ladhaafin ku xadgudubkooda.
6.Dawladii kacaanka in dadka shacabka xabad laabta lagala dhoco maanta waad arkaysaan in durhurka cad cururtii baas lagu furayo waxan ogayn wixii kadhacay xaafada AHMED DHAGAX 2012 wixii kadhacay BARBERA wixii kadhacay SEYLAC wixii ka dhacay BURCO , wixii kadhacay boorama iyo wixii kadhacay OODWEYNBA.
7.Dawladii kacaanka waxa baabiyey cadaalad daro baahtay sal iyo baar bal maanta eega xukunka SIILANYO CADAALAD DARADA IYO NIDAAM XUMADA JIRTA BAL EEG BEELIHII DARAFYADA SIDA LOOGLAY IYO XUKUNKII DHEELIGA KU DHACAY .
8.Dawalada siilanyo sidii loogu hanweyna umada reer SOMALILAND iyo sida ay hankii umada bohol ugu riday waxayna ku ololyen jireen change amba isbadal laakin waa lagu hungoobay waxay odhan jireen dhalinta UDUB way tagayseeye hatahriibina
maxaa ka danbeyey dadweynoow fartiina eerasada.
10 .Ugu danbeyn waxay ka matashaa kacaankii madax adayg talo qaadosha la,aan iyo indha adagay kaligii saxane waaba macalinksii oon biyo si marin
lasoco qabta danbe
by Muhamud Qori
CANADA ALBERTA
Email:xayd006@yahoo.com