"Raga eeddaha noo jeediyay waa Koox Suuq dhexe ka samaystay Ergadii Kontonka suldaan noogu yimaadeen oo Wasiiro dabada ka wadaan"Muj, Axmed Ibraahim.
Hargeysa(GNA)-Salaadiintii Dhexdhexaadinta muddada ka dhex waday Xukuumadda Somaliland iyo Golaha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka ee tobankii bishii Jully lagaga dhawaaqay Caasimada Hargeysa ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu bur-buray wada-hadal la filayay inay labadii habeen ee ugu dambeeyay iyo caawa isku soo hor-fadhiisiiyaan labada dhinac.
Kulankan la filayay ayaa ka dambeeyay ergo ay labada dhinac ku waajaheen labadii todobaad ee la soo dhaafay Salaadiintu, kaasoo laysugu soo dhawaaday aqbalaada shuruudo ay labada dhinac ee madaxtooyada iyo Goluhu ku xidheen wada-hadal dhex mara.
Ka dib hadalka salaadiinta ee Caawa, waxa isa soo taraya aragtiyaha iyo Jahawareerka bulshadu ka qaaday wixii warar caawa ilaa maanta isdhaafayay iyo dhawaaqa lama filaanka ah ee ka soo baxay xubnaha salaadiinta.
Dhinaca kale hadalka salaadiintan waxa ka jawaabay xubnaha Golaha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo ku gacan saydhay inay ka baxeen dhexdhexaadintii laga dhex waday iyaga iyo xukuumadda, waxaanay sheegeen inaanay wax iska bedelin mawqifkoodii ahaa inay aqbaleen ergada salaadiinta Somaliland.
Muj Axmed Ibraahim Maxamuud oo ka mid ah Golaha Wada-tashiga iyo toosinta oo goor-dhaweyd la hadlay Mareegtan Gobanimonews ayaa sheegay in salaadiinta sheegay inay ka baxeen wada-hadalku ka been abuureen.
Muj. Axmed ayaa ku eedeeyay xubnaha salaadiinta inay soof-daran habaabiyeen ergadii salaadinta Somaliland, isla markaana ay adeegayaal u yihiin koox ka mid ah Golaha Wasiiradda oo ka soo hor-jeeda in wada-hadal qabsoomo.
“ Ma jiro wada hadal aanu ka baxnay iyo meel aanu ku diidnay dhexdhexaadinintii salaadiinta Somaliland, laakiinse Nimanka nagu eedeeyay inaanu ka baxnay oo aanu diidnay waa niman suuq dhexe arintan ka samaystay oo ay dabada ka wadaan Wasiiro xukuumadda ku jiraa, waxaanan maanta ku kala tagnay markii isugu kaaya dambeysay inaanu arintaa kala hadlayno kontonkii suldaan ee Ergada noogu yimi ee aanu aqbalnay”ayuu sheegay mujaahidku.
Waxaanu intaasi ku daray isagoo sii sharaxa sidii ay hawsha dhexdhexaadintu u socotay iyo go’aamadii ay ka qaateen “Nimankani markii ay noo yimaadeen shalay waxay nagu yidhaahdeen qodobadii aad soo gudbiseen ayaanu doonaynaa inaad qaarkood bedeshaan oo aanu idinla eegno , annaguna waxaanu ku nidhi waar annagu idinmaanu dirane dhexdhexaadinbaad noogu timaadeene wakhti noo qabta, dabadeed sidii aanu u sugaynay ayaanu hadana maanta duhurkii isku waafaqnay in wixii wada hadal ah iyo inaanu salaadiintii kale iskula noqono ciidda ka dib, markaa meel aanu ku diidnay iyo meel aanu kaga baxnay ergadooda toona ma jirto”.
Hadalada is-durida iyo muranka u muuqda ee ka soo baxay caawa oo qudha labada dhinac ee salaadiinta ku suntan Ergadii rajada laga filayay ee madaxdhaqameedka Somaliland iyo dhanka Golaha oo ay xukuumaddu la jirto dhinaca Madaxdhaqameedka, inkasta oo aanay mawqifkeeda cadayn, ayaa Jahawareer ku noqday dadka arrimahan la socday ee Somaliland oo uu badankooda warku qariib ku yahay.
Waxaana jira warar kale oo sheegaya inay salaadiintii hawshan kula jirtay xubnaha caawa hadlay aad uga xumaadeen hadalka ka soo yeedhay 18 Madaxdhaqameed ee caawa hadlay, iyadoo la hadal hayo inay saacadaha soo socda ka hadli doonaan Warbaahinta.
Si kastaba ha ahaatee sheekadan caawa soo baxday oo kaaf iyo kala dheeri ka dhigaysa natiijadii la filayay ayaa dadka badankiisu isweydiinayaa talaabada xigta ee ay qaadi doonaan dhinacyada ay khusaysaa, iyadoo dadka arrimaha siyaasada faaqidaana ay durba iftiiminayaan inay xukuumaddu waddo qorshe ay ku doonayso inay talaabo kaga qaado Golahan.
Taasoo dariiqa loo marayaa uu yahay diidmada ay diideen ergadii dhexdhexaadinta oo loo soo dhiibay salaadiinta Caawa hadlay.
Balse waxa la sugaaba waa saacadaha soo socda iyo halka ay ku sii durugto Xaajada murugsan ee ka soo baxday natiijadii la filayay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com