Wednesday, August 14, 2013

Masar iyo Maanta: Dawladda oo Xukun Deg-deg ah ku soo rogtay waddanka, 50 Qof oo Meel lagu wada dilay iyo Raabicul Cadawiya oo laysugu soo noqday


 







Qaahira(GNA)-Madaxtooyada Masar ayaa ku dhawaaqay in Xukun deg-deg ah oo aan wakhti loo cayimin Dalka lagu soo rogay, ka dib qul-qulatooyink iyo iska hor-imaadyo ka soo socda dalkaasi oo faraha ka sii baxay.




Goor aan fogayn ayaa Qaahir ku dhawaaqday in waddanka lagu soo rogay Xukun deg-deg ah oo aan wakhti lahayn, iyadoo ay wali dadku taaganyihiin Fagaarayaasha waaweyn ee ay Magaalada ku leeyihiin Taageerayaasha Maxamed Mursi.




Wali kumanaan Taageeerayaal ah ayaa tuban Fagaaraha Raabicul Cadawiya ee Magaalada Qaahir.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ay Kumanaan kale oo dad ahi ku banana baxayaan Goboladda waddanka oo dhan.




Ciidamada amaanka ee Masar ayaa saaka arroornimadii hore hawl-galo lagu banaynayo meelaha ay fadhiyaan Taageerayasha Mursi ka sameeyay halkaasi, waxaanay cagta mariyeen dadkii halkaasi fadhiyay mudada Bisha ka badan.




Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha nafeed ee hawl-galkaasi ka dhashay, waxaanay Wasaaradda Caafimaadku sheegtay inay dhinteen 56 Qof guud ahaan waddanka oo dhan, shan boqol oo kale ay dhaawacmeen.




Hase ahaatee Kooxaha Midowga Walaaloobay ee Ikhwaanu Muslimiinka ayaa sheegay inay dhimashadu ka badan tahay boqolaal qof, dhaawacuna tiro belay, waxaanay arintaasi ku tilmaameen xasuuq ka dhan ah Dadka Reer Masar.




Wariye ku sugan Magaalada Qaahira ayaa sheegay inuu  Indhihiisa ku arkay 50 qof oo mayd ah oo Meel lagu wada dilay, waxaanay taasi muujinaysaa in dhimashada iyo dhaawacuba ka badanyahay tiroada dawladu sheegtay.




Cismaan Cabdi wahaab oo ah Nin Somali ah oo ku ganacsada Magaalada Qaahir, ayaa BBC-da u sheegay in dhibaatada waddanka ka socotaa saamayn balaadhan ku yeelatay nolosha iyo Ganacsiga dadka, waxaanu sheegay in dhaca iyo dhibaatooyinka kaleba sii kordhayaan.




Kooxaha Taageersan Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Mursi, ayaa sheegay inay samaysanayaan goobo hor leh oo ay ka sii wadaan dibad-baxyada.




 Tamiir Al Nashar  oo ka mid ah dadka dibaxyaasha ah ayaa “waxaanu isku dayaynaa inanu qoondaysanayo meelo kale oo laysugu nimaadno, si aanu u jahawareernimo Ciidamada Bilayska ee weeraray meelaha ay dadka mudaharaadyaa fadhiyaan”ayuu yidhi.




Lama yaqaao halka ay ku dambeyn doonto Xaalada wddanka Masar oo aad moodo in hada loo kala baxay Dawlada Milaterigu taageero iyo Mudaharaadayaasha taageersan Madaxweynihii talada la dejiyay, hase ahaatee sii socoshada  dibad-baxyada  rabshadaha maanta dhaliiyay ayaa ah arin sii murgisay Mustaqbalka dadka reer Masar oo walaac badani ka taagnaa tan iyo markii xukunka laga tuuray Mursi ee xal lagu bedelo la waayay.




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com