USA ( GNA) Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u qiimayn ku samayn doono xidhiidhka uu dalkiisa la leeyahay Ruushka. Barack Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo eega in xidhiidhka Ruushka ay la leeyihiin uu shaqeynayo iyo in kale.
Wararka kale ee la xidhiidha Ninka bixiyay sirta sirdoonka Maraykanka Warbixinada sirta Maraykanka ee la daabacay Wararka la xidhiidha Amerika
Waxaa uu cambaareeyay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo uu sheegay inuu u fakaraya sidii berigiidagaalka qabaw
Edward Snowden
Obama ayaa ku eedeeyay Putin inuu caqabad ku yahay in horumar laga gaadho arrimaha waaweyn ee u dhexeeya labada dal.
Maraykanka ayaa ka cadhooday magangelyada ay Ruushku siiyeen Edward Snowden, oo ah ninkii fashiliyay barnaamij sir ahaa oo Maraynkanku ku dabagalayeen malaayiin ruux oo dunida ku kala nool.
Barnaamijkaa ayaa lagu dhagaysanayay telefoonnda, waxaa kale oo loo adeegsanayay in lagula socda farriimaha internetka ee malaayin ruux.
Madaxweyne Obama ayaa joojiyay booqasha uu ku tegi lahaa dalka Ruushka kaddib go’aanka Ruushaka ay magangelya ku siiyeen Edward Snowden.
Diyaariye: C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com