Muqdisho (GNA)Dabley beeleed ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay inay dib u soo celiyaan afduubyada lacag raadiska ah iyo kuwa qabyaalada ku saleysan.
Shaafici Cumar Axmed waa wiil saddex jir ah oo gacanta waalidkiis ka maqan maalintii shanaad ka dib markii maleeshiyo hubeysan oo qaab beeleed u abaabulan ay ka afduubteen gurigooda oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Sida ay qaar ka tirsan war baahinta u sheegeen xubnaha qoyska, waxaa maalinimadii Isniinta ee taariikhda ay ahayd 31-07-2013 aroornimadii hore guriga soo weeraray saddex nin oo ku hubeysnaa qoryaha fudud, waxayna guriga ka baadigoobeen carruurtii joogtay laakiin xilligaasi waxaa guriga ku sugnaa Shaafici oo 3-jir ah oo kaliya, waxayna kaxaysteen isaga oo qudha.
Hooyada dhashay wiilkan yar oo lagu magacaabo Farxiyo Cali Isxaaq waxay sheegtay inaaney garaneyn halka lagu hayo wiilkeeda yar ayna la murugooneyslo xaaladiisa nolol iyo geeri waxa uu ku sugan yahay oo aaney inima ka warheynin.
Illaa hadda ma cadda sababta ka dambeysa afduubkan, laakiin qoyska d halay Shaafici waxay rumeysan yihiin in sababo dhaqaale loo afduubtay wiilka yar, ayna jireen hanjabaado hore oo kooxda afduubatay ay soo direen.
Hooyo Farxiyo waxay sheegtay in maalintii wiilkeeda la afduubanayey kooxda hubeysan ay baadigoobeen gabadh la dhalatay Shaafici kana weyn laakiin xilligaasi nasiib wanaag guriga ma aaney joogin gabadha yar.
Maxay ka qabteen hay’adaha amaanka?
Ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen ciidamada amaanka ee dawlada federaalka iyadoo sida qoyska ay sheegeen arrinkan lagu wargeliyey saldhiga dembibaarista ciidamada ee CID-da.
Waxaana falkan afduubka uu u muuqdaa mid u abaabulan hab qabiil taasoo hadii aan waxba laga qaban ka dhigi karta magaalada Muqdisho meel ay dib ugu soo noqdaan falalka afduubyada ku saleysan lacag raadis iyo kuwa salka ku haya arrimaha qabyaalada, kuwaasoo la wada xusuusto in midowgii Maxkamadaha Islaamiga ay ka tirtireen magaalada Muqdisho sanadihii sagaashaneeyadii illaa horraantii 2006-dii.
Xigasho: muqdishonews.com
Diyaarintii:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews