(GNA) Iyada oo magaalada Kismayo ay ka jireen dhibaatooyin xooggan oo cuuryaamiyay hanaanka geedi socdka nabada Soomaaliya, ayaa Pro Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacado ku yaalla dalka mareykanka waxa uu sheegay sida uu aaminsanyahay halka ay kasoo ifbaxday rabshada Kismaayo.
“Madaxweynaha dalka, Kenya iyo qolyaha ay dabada ka riixeyso ayaa saldhig u ah dhibaatada ka taagan Jubooyinka iyo Gedo. Madaxweynaha qaladkiisu waxa uu yahay in uu maamulka Jubalnda in uu idb loo dhigo amar ku bixiyay hadana uu Hiraan tegay oo iyagna uu ku dhiiri gelyay in ay maamul sameestaan. Arntaas waxa ay rer Kismaayo ku abuurtay in arintu ay tahay fal qabiil salka ku haya”, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku waramay.
Waxa uu intaa ku daray, “Kuwaan Axmed Madoobe iyo Kenya iyana qaladka ugu weyn ayeey leeyihin. Kenya ayaa waxa ay dooneysaa in ay dhul Soomaaliyeed oo kheyraad ka buuxo ay iyadu mamulkeeda la waregto iyaga oo u maraya qoladaan af Soomaaliga ku hadlaya ee Axmed Madoobe ka mid yahay”.
Pro. Samatar ayaa waxa uu ku taliyay in Reer Kismaayo ay sameestaan maamul kamadax banaan dowlada Kenya maadaama Kismaayo aysan aheyn dhul Keenyaati leeyahay, isaga oo dhanka kalana dowlada Soomaaliy kula taliyay in ay sameyso wax ka duwan cadaadiska xooggan oo ay ku heyso maamulka Jubaland si loo helo wax ka wanaagsan is-jiijiidka o aan Somaali dan u ahyen.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars@hotmail.com
Gobanimonews.com