Sunday, July 21, 2013

Somaliland oo Mujaahidiin u aqoonsatay Boqolaal ka mid ah Maleeshiyada Khaatumo oo isu soo Dhiibay+ Sawiro


“Darajadda ugu weynayd ee aanu bixin jirnay waxay ahayd “MUJAAHID”, markaa Mujaahidiin ayaad tihiin Maanta”Wasiir Xirsi




    Fiqifuliye (GNA)-Boqolaal ka mid ah maleeshiyada Khaatumo ee lagu aasaasay Degmada Taleex sanadkii 2012-kii ayaa lagu soo dhaweeyay Deegaanka Fiqi Filiye ee Gobolka Sanaag, ka dib markii ay u soo goosteen dhinaca Somaliland.




Maleeshiyadan oo ay horkacayaan Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Maamulka Khaatumo iyo Madaxdhaqameedyo deegaanka lagu soo dhaweeyay ka soo jeeda, ayaa munaasibad balaadhan loogu sameeyay halkaasi.








Ilaa lix xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Somaliland ayaa deegaankaasi u tegay qorshaha lagu qarameeyay Kooxdan oo loogu magac daray dar-dar gelinta hawlaha nabadeynta ee Goboladda Bari, waxaana ka mid ah Wasiirka madaxtooyada, ka Gaashaan-dhiga iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.




Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa tafaasiil ka bixiyay Imaanshiyaha Kooxdan iyo waxay ka bedelayaan xiisada soo noqnoqata ee ka taagan Goboladda Bariga.




“Waxaan joogaa Fiqi fuliye oo 90 km dhinaca koonfur bari ka xigta Ceerigaabo, waxaanu wadnaa nabadeynta deegaamadda bariga inta qabyadda ka ahayd, hawl muhiim ah ayaanu qabanay maalmahan. ILAAHAY baa mahad leh waanu ku guulaysanay arrintan, wada hadal, isku soo dhawaansho iyo dadkii oo isku caqli celiyay ayaanu ku jirnaa. Shir balaadhan baanu imika ka baxnay. Ciidammo tiradoodu ay gaadhayso 500, 13 baabuur oo Tikniko ah iyo Baabuur xamuul ah maanta ayaa lagu qarameeyay magaaladda Fiqi-fuliye.”ayuu yidhi.




Wasiirka oo la weydiiyay cida qorshahan kala qayb-qaadatay ayaa yidhi “Waxa meesha maraya cuqaal tiro badan oo ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka degmadda Fiqi-fuliye, waxa joogay Garaadkii beesha oo la yidhaahdo Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed,waxa maraya Taliyihii ciidankaasi oo la yidhaahdo C/Risaaq Maxamed Faarax, waxa isaguna maraya abaanduulihii maleeshiyadda Khaatumo ee deganaa Xudun iyo agagaarkeeda oo la yidhaahdo Maxamed Raagge.”




“ILAAHAY baa mahad leh, waa ciidammaddii shalay xabadda iskala soo horjeeday oo maantana dhan u wada jeeda oo ka wada shaqaynaya nabadii deegaankaasi, dawladnimadda iyo qaranimadda Somaliland-na wada dhistaan, colaadii yay nabad ku bedesheen,”ayuu yidhi.




Geesta kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xubin ka ah Weftiga Maleeshiyadaasi iyo Dubabta la socda soo dhaweeyay ayaa Khudbad uu ka jeediyay kulankii lagu qaabilay Kooxda ka sheegay inay soo dhaweyn diiran iyo dareen furan ku qaabilayaan Askarta ka soo goosatay Khaatumo.








“Walaaleyaal aad iyo aad ayaanu idiinku bogaadinaynaa haddii ay oday tahay iyo haddii ay askari tahay-ba inaad nala garateen in xabadda iyo xoogu aanu xal ahayn, inaydaan xoog ku baadi doonin, annaguna( xukuumadda) aanaan xoog ku doonin oo aynu garateen inaad duudsigu waxba tarin, in cududu aanay shaqayn ee caqligu shaqeeyo. Annaguna taas ayaanu ku shaqaynaynaa in caqligu shaqeeyo,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.




Xirsi Xaaji Cali ayaa intaas ku daray “Waxaanu aad iyo aad idiinku soo dhawaynayaa dalkiinii iyo dadkiinii. Waxaanu diyaar idiinla nahay qalbi furan iyo wax wada qabsi. Wixii horumar ah ee deegaankani u baahan yahay awoodu inkasta ha gaadho ee waxaanu diyaar idiinla nahay inay qeybtooda ka helaan.”




“Waxa loo baahan yahay inaynu danteenna wada garano. Waxaan jecelahay inaan xuso marka aanu Hargeysa joogno ka sokow darajadan imika la bixinayo darajadda ugu weynayd ee aanu bixin jirnay waxay ahayd “MUJAAHID”, markaa dee Mujaahidiin ayaad tihiin. Walaaleyaal waxay wax ku qabsoomaan wada jirka, waxba ma tarto cunfiga iyo colaaddu.”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.




Maaha markii ugu horaysay ee ay Kooxaha Khaatumo taabacsanaa isu soo dhiibaan Somaliland, balse Dufcadan ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee mar qudha xagan u soo wareega.




Gobanimonews




Burco Office