Monday, July 22, 2013

SLN: Kooxda ay u Af-duubantahay Jaan-goynta Siyaasadda Xukuumaddu oo ka biyo Diidsan Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee kula soo biiray Saaxada


Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar muxuu uga Muquurtay soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Xilka kala wareegaya?




Hargeysa(GNA)-Imaanshiyaha  Wasiirka cusub ee  arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis   ayaa dibada soo dhigtay in xubno ka mid ah Golaha wasiiradda ee xukuumaddu sas ka qabaan magacaabistiisa.




Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga oo ah wasiirkii laga bedelay Wasaradda arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaan ka dhex muuqan Masuuliyiintii Maanta ku soo dhaweysay Wasiirka Madaarka diyaaradaha, taasoo muujinaysa inaanu la dhacsanayn magacaabistiisa iyo in lagu bedelo Maxamed cabdilaahi.




Dr. Cumar iyo kooxda ay Xulafadda yihiin ee Xukuumadda, ayaa u muuqda kuwo aan soo dhaweyn doonin Maxamed Biixi Yoonis oo ay dadku u arkaan Nin ka dubaalad dheer xaga diblo-maasiyada, isla markaana wax  badan ka bedeli doona Manjaraha siyaasadeed ee ay waddanka u jeexeen iyagu, taasoo dad badani shaki ka muujiyeen labadii sanadood ee ugu dmabeeyay.




Maxamed Biixi Yoonis oo haystaWaayo-aragnimadiisii siyaasadeed ka badan 25 sanadood, sida la sheegay ayaa isaga laftiisu ka waramay kartidiisa shaqo iyo shaqadii uu ka soo qabtay  laamaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. “waxaa I magacaabay Ban Ki Moon iyo Bing, waxaan ahaa ku-xigeenka Maamulka Guud ee Qaramada midoobay ee Hawl-galka Daarfuur(was the deputy Representative for Operations & Management in Darfur for the UN mission). “ayuu sheegay Mr Biixi.




Ilo-wareedyo ay Gobanimonews heshay ayaa tibaaxaya in markii madaxweyne Siilaanyo ku soo daray liiska  Masuuliyiintii uu magacaabay 25-kii bishii June ee aynu soo dhaafnay, ay isku Khilaafeen Wasiirkiisa Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan  oo inta badan la sheego inuu door ka qaato talaabo kasta oo uu madaxweynuhu qaadayo, sida arintan oo kale.




Sida ay xogaha laga helay arintani sheegayaan Madaxweyne Siilaanyo wuu ka diiday Wasiir Xirsi doodda uu ka keenay Magacaabista Wasiirkan, taasoo sababtay inay ka muquurtaan soo dhaweyntiisa isaga iyo Maxamed Cabdillaahi Cumar.




Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Cabdi Casiis Maxamed Samaale, ayaa la sheegayaa inuu ku jiro garabka Wasiiradda xukuumadda ee aan laabta ka jeclayn ku soo biirista Xukuumadda ee masuulkan, balse waxa uu ku jiray Masuuliyiintii soo dhaweyntiisa ka qayb-qaatay, isagoo arintiisu ahayd gunti-isku giijis.




Sababaha ay kooxdani uga soo horjeedo Wasiir Yoonis ayaa dadka arrimaha siyaasada ka faaloodaa ku macnaynayaan dhawr arimood, balse waxa ugu muhiimsan aragtiyaha laga soo jeedinayo Miisaanka siyaasigani ku soo kordhinayo saaxada siyaasadda iyo Jaangoynta qorsheyaasha xukuumadda oo ay afduub ku haysteen.




 taasoo hada gacantooda ka baxaysa marka la eego Miisaanka kula soo biiray Golaha Xukuumadda oo aan ku koobanyn masuulkan, hase ahaatee ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo hore ugu jiray oo hada fursad u helaya inay cod ku yeeshaan saaxadda.




Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Axmed  Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo mar kale u muuqda inuu xukuumadiisa ku mideeyay siyaasiyiin aragtiyo kala duwan wata, isla markaaana dhexdooda yooyootan siyaasadeed ka dhalan karo, ayaa la eegi doonaa sida uu uga faa’idaysto qorshaha diblo-maasiyadeeed ee Maxamed Biixi Yoonis oo ah Nin ka waji balaadhan xubno badan oo ka mid ah Golaha Wasiirrada.




Gobanimonews




Hargeysa Office