(GNA) Dawlada Sacuudiga ay 40,000 oo Itoobiyaan ah sharciyo siinaysa si ay wadankaasi uga xoogsadaan. Arrintan ayaa lagu sheegay kullan dhaxmaray wasiirada arrimaha dibada ee Itoobiya iyo Scauudiga.
Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya , Dr Tedros, oo maanta shir la yeeshay wasiirka arrimaha dibada ee Scuudiga – Sacuud Alfaysal, ayaa sheegay in cilaaqaadka labada dal yahay mid taariikhi ah oo soo taxna ilaa wakhtigii qaar kamid ah asxaabtii ay u soo haajireen Itoobiya.
Waxaa u Tedros xusay sida xushmada iyo deeqsinimadu ku jirto ee dawlada Scauudigu u siisay sharciyada dadka ks oo jeeda Itoobiya ee ku dhaqan dalkeeda.
Wasiirka arrimaha dibada ee Scauudiga Alfaysal ayaa garwaaqsaday daruufta dadka reer Itoobiya ee ku dhaqan dalkiisa isaga oo sheegay in 4 bilood dib loogu dhigay xiliga isdiiwaangalinta si ay u cusbooneysiistaan sharciga ama loo siiyo sharciyo hor leh.
Wasiirka Sacuudiga ayaa amaanay horumrka Itoobiya ka sameysay dhanka dhaqaalaha iyo kaalinta ay kaga jirto gobolka geeska Afrika. Alfaysal ayaa intaa ku daray, in dalkiisu isu arko in uu qayb ka yahay gobolka geeska Afrika marka la eego u dhawaanshaha gobolka iyo xidhiidhka bulsho-dhaqaale ee gobolka iyo Sacuudiga ka dhaxeeya.
Dawlada Itoobiya ayaa dadaal xoog leh galinaysa sidii ay kor uGu qaadi lahayd xidhiidhka dhaqaale iyo bulsho ee la leedahay wadamada Carabta.
Wasiirka raarmiaha dibada ee Itoobiya, Dr Tedrsi Adhonam, ayaa booqasho rasmi ah ku maraya wadanka boqortooyada Sacuudi carabiya.