Wednesday, July 3, 2013

Antonio Lopez: Oo ay Madaxa Qeybi Maqantahay ayaa Loo Xukumay Lacag Gaadheysa ilaa $58 Million?


(GNA) Antonio Lopez Chaj oo ah 43 Jir ayaa la gudoonsiiyay aduun lacageed oo lagu sheegay $58 Million , Mr Antonio ayay kasoo gaaareen dhaawacyo halis ah madaxa xili uu ku hawlana kala celinta labo kamid ah asxaabtiisa iyo nin ilaalo ka ahaa goob Club ah uu ku sugnaa xiliga ay soo gaareen dhibaatooyinka.




Maxkamad ku taalla gobolka California ayaa go,aamisay in magta ay siinayaan Club Bukaankani in ay noqoto magtii ugu badnayd ee lasiiyo ruux bukaan ah oo ay soo gaareen dhaawacyo .




43 jirkaan ayay kasoo gaareen dhaawacyo madaxa xili ninki ilaalada ka ahaa Club-ka uu sixun u garaacay kadibna uu madaxa kaga garaacay Bir , dhalooyin iyo laad uu kaga dhuftay madaxa waxaana goobta looga qaaday Mr Chaj meyd ahaan.




Operation ay ku sameeyeen dhaqaatiirta la tacaalaysay dhaawaca Mr Chaj ayaa isku afgartay iney ka saaraan qayb katirsanayd madaxiisa oo ay burbureen lafaha iyo dahaarka madaxa ka saarna waxayna fududeysay inuu noolaado balse maskaxdiisa Nus/bar ay ka maqnaato.




Chaj ayaa haatan u dhaqma si aan looga baran xitaa dadka iyagu waalan oo hadla ,ninkaan  ayaan awoodin hadal iyadoo lagu sheegay inaysan ku jirin madaxiisa Maskaxda oo qofka bini aadamka tiirka nolosha u ah islamarkaana wuxuu udhaqmaa sidaa qof caruur kasii liito oo kale.




Dhaqaatiirta badbaadistiisa ka qayb qaadatay oo warbaahinta u waramaysay ayaa ku sheegay nolosha Chaj inay tahay nolol aan dhimasho waxba dhaamin.