Pages

Monday, November 17, 2014

Reysal-wasaaraha oo u digay Wasiirrada ugu baaqay inuu iscasilo

Muqdisho(GNA)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay inaanu helin warqada la sheegay inay Wasiirro ugu baaqeen inuu iscasilo.

Ku dhowaad 14 Wasiir oo ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan Golaha Xukuumadda ayaa la sheegay inay Wasiirka koowaad u soo jeediyeen inuu iscasilo.

Reysal-wasaaraha ayaa arrintan ku tilmaamay mid ayaano daro ah, wallow uu caddeeyay inaan soo jeedinta Wasiirradu soo gaadhin.

Ra’iisul Wasaare, Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaa uu ugu baaqay xubnaha golaha wasiirada inay u gutaan shaqadooda si waafaqsan dastuurka dalka.

Waxa uu intaasi ku daray in uusan aqbali doonin wax allaale iyo wixii ka soo horjeeda Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga digay xubnaha golahiisa inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta sharciga iyo dowladnimada, balse uu diyaar u yahay in uu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo.