Pages

Monday, November 17, 2014

Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee gobolka Awdal oo si aan looga baran ula hadlay xukuumadda.

 

Waxa maanta shir jaraa id ku qabtay xarunta uu xisbiga UCID ku leeyahay magaalada Borama  saraakiisha heer gobol ee xisbiga UCID kuwaas oo weeraray siyaasadda xisbiga kulmiye ee ku wajahan dhacdadii golaha baarlamaan iyo qaabka ay xukuumaddu arintaasi u wajahday.

Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Awdal C/rashiid Ibraahim Isaaq oo ku tilmaamay siyaasadda xukuumadda sillaanyo kula cacday golaha baarlamanka inay tahay mid afgambi ah oo ay uga gol lahayd in lagu wiiqo hanaanka dimoqraadiyadda ay Somaliland kusoo caano maashay, guddoomiye C/rashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-”Nuxurka aritan ayaa ah in xukuumaddu ay ku laasho doorashada dalka ka dhici doonta sannadka dambe, arintaa badalkeeda ay xukuumaddu damacsan tahay sida aan wararka ku hayno in loo sameeyo muddo kordhin, hadaba waxan xukuumadda u sheegaynaa in golaha wakiilada ay matalaan shacabka reer Somaliland sidaas darteedna aanay mudnay in lagu kaco waxyaabo wax u dhimaya xasaanadooda sida hadda dhacday, haddii ay ka waantoobi waydo xukuumaddu inay arintaasi keeni doonto fawdo.” waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray,”hore ayaa siyaasiyiinta saluugsan u odhan jireen madaxtooyada ayaan ugu galaynaa oo ulbaan kagasoo saaraynaa madaxweyne Rayaale, balse waxan u sheegaynaa madaxweyne Siilaanyo haddii aanu ka noqon go’aamada uu kula dhaqmayo golaha baarlaman inan sida baarashuudka ugu soo dhex dagi doonno madaxtooyada.”

Hibo Cabdi Yuusuf oo ku hadlaysay garabka haweenka ee Xisbiga UCID ayaa iyadna dhankeeda tibaaxday in muddooyinkan dambe  xukuumaddu arimaha ay ku kacayso u muuqdeen kuwo khalkhal iyo jahwareer dalka ku abuuraya sidaa awgeed waxan uga digaynaa xukuumadda inay faraha kala baxdo arinta ka dhextaagan golaha wakiilada, saxaafadda iyo xildhibaanadana xadhiga iyo cagojuglaynta laga daayo.

Axmed C/samad oo isna ku hadlayay garabka dhalinyarada ayaa isna sheegay in xukuumaddu u tudho shacabka reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarada sugaysa mustaqbalkooda siyaasadeed.

Gabogabadii, guddoomiyaha xidhiidhka laba gobol ee Awdal iyo Salal ee Xisbiga UCID Cumar Daahir Cilmi ayaa isna dhankiisa ka dareeriyay habdhaqanka cusub ee xukuumadda kulmiye ay u isticmaashay golaha sharci dejinta Somaliland waxa uu ku adkeeyay xukuumadda inay ilaaliso geeddi socodka dimoqraadiyadda Somaliland.

Isku soo wadaduuboo  hadalada kasoo yeedhay masuuliyiinta xisbiga UCID ee gobolka Awdal ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berry ah loo ballansan yahay in lagudo galo xalinta khilaafka oo ay golaha guurtidu gacanta ku hayaan.

Mursal Elmi

Gobanimonews