Pages

Monday, November 17, 2014

Guurtidu sideebay uga gar-naqi doonaan Khilaafka Xuduntiisu gacantooda ku jirto?

Bilowga Dhexdhexaadinta, Gabaabsiga Wakhtiga iyo Filashada go’aanka

Cirro, salebanHargeysa(GNA)-Ergada Golaha Guurtida ee uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golahaas Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa shalay la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirxamaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) oo hada ah hogaamiyaha xildhibaanada Mucaaridka ee garabyada Wakiillada khilaafku kala qaybiyay.

Guddida Guurtida ayaa guddoomiye Cirro waydiistay, Kalsooni la mid ah tii ay sabtidii ka heleen dhinaca Kooxda Golihiisa ka tirsan ee Muxaafidka ee uu hogaaminayo ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax.

Sida uu warbaahinta u sheegay Md. Cirro waa uu aqbalay Ergada Guurtida, waxaanu u muujiyay kalsooni buuxda.

“Waxaan farriin ka helay xalay Guddida guurtida,taas oo leeyihiin inaanu kulano si aanu uga wada hadalo dhexdhexaadinta ay wadaan, markaas anigu Shakhsiyan waa aqbalay dhexdhexaadintaas, wax kalena kamaanu wada hadal” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Geesta kale, garabka Muxaafidka ee Golahaas oo ay hogaaminayaan Guddoomiye ku-xigeenka labaad iyo Mudaneyaasha lagu eedeeyo inay Madaxtooyada gacan saar la leeyihiin, ayaa isla maalintii furitaanka Kal-fadhiga Golaha la hakiyay ee sabtida, waxay caddeeyeen inay aqbaleen dhexdhexaadinta Guurtida.

Sida muuqata labada dhinac ee goluhu waxay aqbaleen in khilaafka u dhexeeya lagu xaliyo wada hadal iyo degenaanshiyo aanay ka madhnayn isu tanaasul lagu unko isku soo dhawaanshiyo loo helo, Mowqifyada kala fog ee ay kala taaganyihiin mana jiraan itan la ogyahay wax shuruuddo ah oo uu midkoodna ku xidhay in la dejiyo xiisada u dhaxaysa ee meesha adag maraysa.

Aqbalaada labada geesood ee ergada guurtida ayaa muujinaysa bilowga Maslaxad lagu soo dabbaali karo, muranka cirka isku-shareeray ee ka dhex aloosan Golaha Xeer-dejinta la soo doortay ee dalka , kaasoo yooyooyankiisa lagu eedeynayo inay madaxtooyada dalka laga xukumo lafteedu daaha-dabadiisa ka hurinayso, si uu hantaaqo ugu noqdo geedi-socodka howlaha Doorashooyinka ee Shuruucda lagu qabanayo qaarkood baaqiga ku yihiin Goleyaasha Baarlamanka ee xaaladdoodu murugsantahay.

Wakhtiga gaabtayee Guurtidu qabsatay

Ergada Golaha Guurtidu waxay arrinta hakad geliyeen muddo ku siman laba maalmood oo dib loo dhigay furitaankii Kal-fadhiga 26-aad ee golahaasi, kaasoo ku eeg Salaasada Beri ee fooda inagu haysa ama saacadaha koobani inaga xigaan.

Waxaanay taasi muujinaysaa inaanay ergadu haysanin wakhti ku filan oo ay si qoto dheer ugaga baaraan degaan howsha culus ee hortaalla, taasoo ah soo af-jarida xurgufta siyaasaddeed ee taxan Golaha Wakiillada, ilaa Aqalka Madaxtooyada, isla markaana xaraarraddeedu gaadhay in mooshinno, awood ciidan iyo diidmo cadba laysku muquuniyo, intaan la dejin ka hor.

Soo dhawaanshiyaha Xilliga gabbaabsiga ah ee laga dhur-sugayo odayaasha Guurtida ayaa sababtay in mar kale loo dheg –taago qaabka ay howshooda u wadaan, halka ay wax marinayaan iyo talaabooyinka ay qaadeen, oo dadka ku xeel-dheer arrimaha xalinta Khilaafku ay siiba cabiran karaan natiijada laga fili karo.

Talaabooyinka la qaaday

Ma jiro wax war ah oo rasmi uga soo baxay ergada wakhtigu gabaabsiga ku yahay ee guurida, kaasoo ku saabsan xaajada ay gacanta ku hayaan iyo dalab ay dhinacyada is-haya iyo Mujtamaca arrintan danaynaya kaga ku codsanayaan in muddada dhexdhexaadinta loo kordhiyo.

hase ahaatee tibaaxo kala duwan oo laga helay ilo-wareedyo ku dhadhow , ayaa Iftiiminaya inay shalay guda galeen baandheynta iyo kala hufida arrimaha labada garab ee Wakiilladu isku hayaan.

Tibaaxuhu si toos ah umay taabanin qodobo ay si gaar ah ergada Guurtidu u abaartay oo la xidhiidha arrimaha gun-dhiga u ah Muranka Wakiillada, waxaase la tilmaamayaa inay si guud u derseen waxyaabaha la isku maandhaafsanyahay ee u baahan in la kala saafo, si ay uga gar-naqaan ama go’aan uga soo saaran.

Qodobada Guurtida horyaalla

Qodobada ugu waaweyn ee ergadan Guurtida horyaalla ayaa ah kuwo si fudud looga jawaabi karo iyo qaar u baahan in labada dhinac lagu dhexdhexaadiyo.

Arrinta sida fudud looga jawaabi karo ee haatan hor-taala ayaa ah inay ixtiraamaan Wakiilladu Heshiiskii Bishii February ee sanadkan lagu xaliyay khilaafkoodii ku saabsanaa wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeer-hoosaadka Golaha.

Heshiiskaasi oo ay Guddi Guurti ahi ku dhexdhexaadiyeen darafyada Golaha oo xilligaasna sidan oo kale u kala fogaaday, ayaa nuxurkiisu ku soo uruurayay laba qodob oo is-barkan, kuna saabsan maamus ka xayuubinta Shir-guddoonka Golaha, oo uu khilaafkan hada shareerani jabiyey.

Labadan qodob ayaa dhigayay “in Shir-guddoonka Golaha Wakillada lagu ridi karo 44 Cod, oo ka dhigan laba meeloodow meel iyo hal ama (Cod hal-dheeri ah) iyo qodobka labaad oo lagu go’aamiyay inaan wax mooshin ah laga keeni Karin Shir-guddoonka golaha wakhtiga ka hadhsan muddo-xileedkiisa korodhsiga ku yimi.”

Arrimaha kale ee ay wakiilladu ku muransanyihiin waxa ka mid ah Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah iyo codbixiyeyaasha ee Golaha Guurtida la-yaalla oo ah curiyaha Khilaafkan cusub, kaddib markii ay mudaneyaasha Muxaafidku Guddoomiyahooda ku eedeeyeen inuu gudbiyay nuqul aan ahayn kii ay bishii September 64 Xildhibaan aqlabiyada ku ansixiyeen. Eedeymaha loo cuskanayo mooshinka ay muxaafidku wataan ee Guddoomiyaha ka dhanka ah, ayaa ah inuu Khiyaamo Qaran ku galay gudbinta xeerkaasi, taasoo cakiskeeda guddoomiyaha iyo mudaneyaasha la la jiraana ay ku tilmaameen mid been abuur ah. xeerkaasina uu si sax ah u maray jaran-jarada ay Goleyaasha sharci-dejintu Mashaariicda sharci isugu gudbiyaan.

Qodobkan ayaa ah xudunta xiisada kacsan ee hada taagan, Bulshadana ay bandhigayaan garabyada loolamayaa, iyagoo dhinac waliba isu muujinayo inuu xaqa ku addimayo, wallow ay jiraan ujeedooyin dahsoon iyo danaha ku taxaluqa mabaadi’da siyaasaddeed ee looga gol-leeyahay in lagu minjo-xaabiyo Guddoomiyaha Golahaasi oo ay markasta oo ay doorashooyinku soo dhawaadaan tartanka hogaaminta dalka ee shanta sanno ee soo socota isku waajahayaan xukuumadda talada haysa.

Su’aalaha Dul-hoganaya natiijada la filayo

Sida ay qabaan dadka arrimaha siyaasadda faaqida iyo aragtida guud ee ra’yul caamku, xaqiiqduna tahay, arrimhan ayaa ah qodobada Udub-dhexaadka u ah, layskuna maandhaafsanyahay ee hor-yaalla Guddida Guurtida ee isu-xilqaantay xalinta Muranka xeer-dejiyeyaasha iyo dhinacyada fulinta iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee la kala safan, Iyadoo ay maalin qudha ka hadhsantahay muddada dib loo dhigay Kal-fadhiga Golaha fiintu dhex marinayso.

Hadaba waxa la is-weydiinayaa “Ergadan Guurtidu dib ma u eegi doonaan qodobada buray ee heshiiskii hore ku dhisnaa? mise waxay jeexi doonaan waddo cusub oo ka duwan dariiqaa hore noocay doontaba ha ahaatee, taasoo ay ku balaysimayaan heshiis kale.

Su’aasha kale ee lays-waydiinayaa waxa ay tahay qaabka ay uga gar-naqi doonto ergada Guurtidu Mashruuca sharci ee gacantooda ku jira ee ay isku-haystaan garabyada Wakiilladu dhalan-gediga ay Muxaafidku ku doodayaan in lagu sameeyey oo garabka Guddoomiyuhuna iska beri-yeeleen eeddiisa.

Ma jiro tacliiq dhab ah oo looga qiyaas qaadan karo saadaal laga bixiyo natiijada, hase-yeeshee mugdi kuma jiro inay miisaan culustahay xaajada ay maamulayaan duqayda Guurtida oo sida hore looga bartay,hoodo ku lahaan jiray hojinta hirdannada haab-haabasho ku gaadha marxalad Hantaaqo qaran dhaxalkeedu yeellan karo.

Xaajadaasoo dhul-dhigisteeda iyo soo af-meerideedu dan u tahay maslaxada guud ee dalka, degenaanshiyaha siyaasadda iyo dareenka Bulshada ee ay saameeyeen qul-qulatooyinkii sabtidii ina dhaaftay gobollada waddanka ka dhacay.