Pages

Saturday, November 15, 2014

“Khilaafka Madaxda Dowladda waxaa sabab u ah Nicholos Kay..”SH,Cali Dheere

Cali-Dheere(GNA)Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ee udhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) ayaa sheegay in khilaafka madaxda Dowlada kadhax taagan uu ka dambeeyo Wakiilka gaar ah ee Xoghayaha guud ee QM uqaabilsan Soomaaliya Nicholos Kay.

Cali Dheere oo u waramay Idaacada Al-furqaan ee ku hasaha Afka Shabaaka, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud tallada dalka ay u dhiibeen sida uu hadlak udhigay dowlad gaar ah oo dano ka leh Soomaaliya, halka Ra’iisul Wasaarahana ay keensadeen dowlad gaar ah oo dan ka leh Soomaaliya.

Wuxuuse sheegay Cali Dheere markii dowladahaasi danaha ka leh Soomaaliya ay ka waayeen danahoodii ay isku direen masuuliyiinta Dowladda.

“Nimankaan is haysta tallada iyaga malahan shisheeye ayaa keensaday meesha waa lagu biilaa, lacag unbay qaataan, laakiin hadaf iyo go’aan malahan dowladaha shisheeye ee keensaday nimankaan ayaa kala feker duwan, Mareykanka iyo UK is ku feker ma’ahan sidaasi ayuu ku yimid khilaafka”Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Hadalka Al-shabaab ayaa imaanaaya xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu kadhaxtaaganyahay masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu guul dareystay dadaallo laga dhaxwaday labada masuul si loo soo afjaro khilaafkooda.

 

 

-