Pages

Saturday, November 15, 2014

Wiil 6 jir ah oo noqday qofka ugu da’da yar, uguna khabiirsan adeegsiga Kombiyuutarada

ass-300x168(GNA)Ayan Qureishi, waxaa uu noqday qofka ugu da’da yaraa ee adduunka oo khabiir ku noqday adeegsiga Kombiyuutarka.

 

Ina Qureishi waa lix sano jir, oo aabihiis ahaa lataliye dhanka Teknolojiyadda ah, waxaana uuna gurigiisa ku lahaa qalabka xiriiriya kombiyutarada.

 

Ayan Qureishi ayaa BBC u sheegay in imtixaanka uu ka cabsanayay balse ay ka go’nayd in uu galo, isagoo intaasi sii raaciyay “ Waxaan rabaa inaan maalin maalmaha kamid ah aan aasaaso shirkad Teknolojiyad ah oo saldhigeedu yahay UK”.

 

Imtixaankii ayaa isugu jiray mid goobo gali ah, mid sharaxaad laga bixinayo, mid farsamo ah, mid xaalad ama duruuf ku salaysan.

 

Aabaha dhalay wiilkaan, Mudane Qureishi ayaa sheegay in caqabadda ugu wayn ee wiilkiisa soo food saari karta ay ahayd luuqadda oo uu sheegay in aysan gaarsiisnayn heer ay wax sharaxdo balse xasuustiisu ay ahayd mid aad u saraysa.

 

Qureishi ayaa wiilkiisa Ayan ku bilaabay in uu baro adeegsiga Kombiyuutarada asagoo 3 sano jir ah, waxaana uu siiyay kobmbiyuutarda duuga ah ee guriga u yaalo in uu ku ciyaaro si uu wax badan uga fahmo shaqada iyo adeegsiga kobmbiyutarka.

wiil-yar-168x300

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Wax waliba oo aan maalin u sheegaa ma uusan iloobi jirin, xasuustiisa iyo fahamkiisa markii aan arkay sida ay fiicantahay waxaan bilaabay inaan baro wax badan” ayuu yiri wiilka aabihiis Mudane Qureishi.

 

Markii ugu horeysay ee wiilkaan yar uu sheegay inuu galayo imtixaanka Microsoft ayaa waxaa ka fariistay gudigii qaabilsanaa imtixaanka, waxa ayna walaac ka muujiyeen musharaxnimadiisa, balse aabihiis ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo inuu imtixaanka ka keeni doono natiijo fiican.

 

Wiilkan yar oo asal ahaan ka soo jeeda waddanka Pakistan ayaa waxaa ay isaga iyo qoyskooduba dalka Ingiriiska soo galeen sanadii 2009-kii. Hooyadiis iyaduna waa khabiir dhanka memoriyada Kombiyuurtada ah.

 

Ayaan Qureishi waxaa uu niyadda ku hayaa in aas aaso shariikad Teknoloji oo asagu madax ka yahay.

 

Xigasho: BBC