Pages

Sunday, November 16, 2014

Dawladda Ingiriiska oo Soo Saartay Sharci Ka Dhan ah Argagixisada

ISIS_terror(GNA)Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaca ka qaaday faafaahinta sharci cusub oo kadhan ah “argagixisada”, kaas oo ay uga hortagaan dadka British-ka ah ee ku qulqulaya dalalka Suuriya iyo Ciraaq si ay ugu biiraan kooxaha halkaasi ka dagaallama.

Booliska ayaa la siinayaa awood cusub si ay baasasoorada uga qaadaan dadka looga shakiyo in ay ku biirayaan dowladda Islaamka ee iskudeya inay dalka ka dhoofaan.

Waxaa sidoo kale jira xannibaad ku meel gaar ah la saarayaa dadka British ka ah ee dalkaasi dib ugu noqonaya loona maleynayo inay ku lug leeyihiin kooxaha gajirka ah.

Waxaa intaasi dheer, shirkadaha diyaaradaha ayaa wajihidoono ganaaxyo adag haddii aysan aad u baarin diiwaanada rakaabka ay qaadayaan.

Khudbad uu u jeediyay baarlamaanka Australian, Mr Cameron waxa uu ku sheegay in ay waajib tahay in la ogaado xididada waxa uu ugu yeeray argagixisada halista ah.