Muqdisho(GNA)-Baarlamanka Soomaliya ayaa ku kala-kacay Fadhi ay maanta yeesheen, kaddib markii mar kale la soo hor-dhigay Mooshinka lagu dalbanayo in Xukuumadda Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo.Mudaneyaasha ka soo horjeeda in Xukuumadda la rido ayaa markiiba buuq iyo sawaxan Golaha la oogsaday, iyagoo ku dooday inuu mooshinku sharci daro yahay.
Guddoonka Golaha Baarlamanka ayaa markii xiisadu kacday soo xidhay Fadhiga golaha, isagoo hal mar Kursiga ka kacay, markii Xildhibaanada Mooshinka diidani fowdo ka bilaabeen Golaha.
Garabka Baarlamanka ee Mooshinka wata ayaa Guddoomiyaha ugu baaqay inuu iscasilo, iyagoo ku eedeynaya inuu xilkiisii ka soo bixi waayay.
dhinaca kale ee ka soo horjeeda ayaa ku dooddaya inaan maamus ka xayuubinta Xukuumadda loo soo marin sifo sharci ah.
Muwaaqifta kala fog ee Golaha Shacbiga ayaa muujinaysa kala qaybsanaan ilaa xad ah.