Pages

Saturday, November 15, 2014

Xildhibaannada Awdal oo dhabarka u jeediyay Inqilaabka Golaha Wakillada

Hargeysa(GNA)-Ilaa toban Xildhibaan oo laga soo doortay Gobolka Awdal ayaa ku gacan-saydhay Mooshinka ismuquuinta ku fashilmay ee Guddoomiyaha Golaha wakiillada la doonayay xilka lagaga tuuro.

Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa gelinkii hore ee Maanta waxay ku caddeeyeen inaanay qayb ka ahayn Duulaanka lagu inqilaabay Golaha wakiillada ee dalka, isla markaana ay beri ka yihiin.

Xildhibaanada ayaa shirka jaraa’id qabtay, xilli uu qasnaa jawiga xarunta Golohoodu, iyagoo ku doodday inay talaabada lagu minjo xaabinayo golahaasi ay tahay mid xad-gudub ku ah nidaamka dawladnimada ee dalka, kana turjumaysa maamul xumo iyo manjaro habaabin qaran oo dalku waajahay.

“Annagu kuma jirno, kuma jirno wax la eegan karana maaha”sidaasi waxa Gobanimonews u xaqiijiyay ka mid ah Xildhibaanada reer Awdal oo la hadlay shirka jaraa’id kaddib.

Arrintan ayaa shiiqisay Shaxda ay xukuumaddu soo dejisay ee fowdada abuurtay.