Dawladda Ingiriiska ayaa si xoogan u cambaareysay dilka mid ka mida Shaqaalaha gargaarka ee dalkeeda u dhashay oo ay Kooxda ISIS ku dileen dalka.ISIS ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo muujinaysa in la dilay David Haines oo ka mid ahaa dadka u shaqeeya Hay’adaha gargaarka ee dalka Ciraaq, kaasoo howl samo fal u joogay waddanka Ciraaq.
Reysal-wasaarahab Britain David Camaroon ayaa shir-guddoominaya axada maantaa kulan deg deg ah oo looga jawaabayo dilka Haines, oo uu si kulul u cambaareeyay.
Camaroon ayaa sheegay inay sharciga horkeeni doonaan kuwii fuliyay dilka sarkaalkan, wakhti kasta oo qaadato.
Hore dalka Syria waxa loogu dilay laba suxufi oo u dhashay Maraykanka oo kala ahaa james folay iyo Steven sotloff, kuwaasoo ay kooxda ISIS ku gowraceen fagaareyaal, kaddibna indhaha beesha caalamka u soo bandhigeen.