Sunday, September 14, 2014

Samo-fale British ah oo lagu dilay Ciraaq

A still image taken from a purported Islamic State video of British captive David Haines before he is beheadedDawladda Ingiriiska ayaa si xoogan u cambaareysay dilka mid ka mida Shaqaalaha gargaarka ee dalkeeda u dhashay oo ay Kooxda ISIS ku dileen dalka.

ISIS ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo muujinaysa in la dilay David Haines oo ka mid ahaa dadka u shaqeeya Hay’adaha gargaarka ee dalka Ciraaq, kaasoo howl samo fal u joogay waddanka Ciraaq.

Reysal-wasaarahab Britain David Camaroon ayaa shir-guddoominaya axada maantaa kulan deg deg ah oo looga jawaabayo dilka Haines, oo uu si kulul u cambaareeyay.

Camaroon ayaa sheegay inay sharciga horkeeni doonaan kuwii fuliyay dilka sarkaalkan, wakhti kasta oo qaadato.

Hore dalka Syria waxa loogu dilay laba suxufi oo u dhashay Maraykanka oo kala ahaa james folay iyo Steven sotloff, kuwaasoo ay kooxda ISIS ku gowraceen fagaareyaal, kaddibna indhaha beesha caalamka u soo bandhigeen.