Pages

Sunday, September 14, 2014

Farxada Ardayga Maanta Qalin-jabinaye IYO Niyad-jabka Ardaygii shalay‏

w/q: Hamse Bashe Muhumed

 “Maqaal(Article) kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”

 

xamseAnaa Nabdaadsho Akhristayaasha iyo Bahada War fidiyayaasha ee wakhti walba u diyaar ah in ay ila wadagaan talooyinka iyo fikradaha wanaagsan ee naga dhexeeya, oo aan bilaabo mid kamid ah Maqaaladaydii Aan kaga hadli jiray Arimaha Bulshada Waana mid Kuseeya Ardayda sharafta iyo Qadarinta inaga muddan ee dhigta iyo kuwa hadda ka baxaya Jaamacada waddanka ee kala duwan.

 

Waana maqaalka aan u bixiyey “Faraxda Ardayga Maanta Qalinjabinaya iyo Niyadjabka Ardaygii Shalay qalinjabiyey”, Sidaan kawar qabno sanad kasta oo inasoo mara waxaa jamacadaha dalka ee kala duwan ka qalin jabiyay arday tiradooda lugu qiyaaso kumanaan araday, isla markaana waxaa isla wakhtigan soo gala jaamacada waddanka kumanaa araday Halka kuwmanaan arday oo kalena u soo gudbaan waxbarshada dugsiyada sare, isla markaana kumanaan caruur ah oo sanadka caqli iyo garasho u sugnaatay la qoraayo dugsiyada hoose iyo kuwa dhex ee Dalka.

 

Haddaba Su’aasha werwerka iyo walaacawga igu keentay ee habeen oo idil aanan ka gam’aynin isla markaana ay ila qabaan tiro baddan oo dhalinyar dhamaystay jaamacada iyo kuwo sidayda rajadoodu tahay in ay maruun qataan Heerkii kowbaad(First Degree) ee shahaadada jaamacad ee wakhtiga koobani ooga hadhsanyaha ayaa ah “ Halka ay shahadadan jaamacadeed ee ay gudoomeen misana ay ka gudoomeen jaamacadii inta baddan wax soo baraysay misana uu markhaati ka ahaa Maddaxweynu oo u dhaxeeyey Jaamacad iyo Ardayga wakhtigaas qaadanay shahaadada halka ay la qaban lahaayeen?” Aan idin xasuusiyo dhulkan aynu ku noolnahay waa waddan bed ahaan kooban, tirada dadka ku noolina ay sanadba sanadka ka dambaysa sii badanayaan, ogow oo wadankeenu wali aqoonsi kamuu helin caalamka, ogow oo ardayga sita shahaado waddanka gudihiisa uu ka qaatay waa mid aan lugu kalsoonayn aniga oo taas u ku tiirinaya ardaydii 2011 dhamaysatay waxbarshada dugsiga sare ee ku guulaystay in ay deeq-waxbarsho ka helaan waddanka turkiga, waxaa cad in ardaydii iska bedeleen shahaadadii ay siteen isla markaana loogu bedelay shahaado ay sheegeen in la aqoonsan yahay.

 

Hadaba waxaa ayaan daro ah oo mid aad looga xumaado ah in maddaxweynaha dalku sanad walba ka qaybgalo xaflado qalin jabineed oo arday kumaan gaadhaysaa ku dhameeyaan waxbarshada jaamacada, laakin aanay jirin qorshe sax ah oo ay dawladu ka yeelanayso Tirada ardaydan jaamacadaha dhamaynaysa ee soo kordhaysa.

Waxaa sanad walba dalka ka tahriiba dhalinyaro aad u faro baddan oo ay ku jiraan kuwo waxbarashadoodii jamacadeed dhameeyey iyo kuwo badhtanka kaga jira, Haddaba maxaa keenay murugada haysata ardaygii shalay dhameeyey waxbarashadii jaamacada ee sida farxada iyo qadarinta leh u gudoomay shahaadadii uu inta badan soo wadday

 

Ogow oo ardaygan waxbarshada wadday muddada badan u jeedadiisu waxay ahayd in uu dalkiisa ku aanfaco oo uu ka helo shaqo iyo in cilmigii uu bartay uga faaideeyo horumarka dalkiisa, laakiin wadankeena taasi ma jirto oo ardaygii maanta qalin jabiyey beri waa mid murugaysan, maaha in aan dhaleecaynayo dawlada iyo maamulka dalka laakiin waxaan jir arin iyo go’aan ku wajahan sidii ardaydan loo jihayn lahaa.

 

Lasoco Qaybta 2aad............................

Mahadsanid

Hamse Bashe Muhumed

E-mail: Xamse18@gmail.com 

Hargeisa Somalilalnd