[caption id="attachment_92362" align="alignleft" width="400"]
Qurubyada qofkii fuliyay weerarka[/caption]
Af-gooye(GNA) — Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waxa ka soo gaarey dhaawacyo, qarax lala beegsaday Gawaadhi Ciidanka Amisom leeyihiin oo marayay Jidka isku xira magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dadka dhaawacymay waxa ka mid ah Askar AMISOM ka tirsan , waxaanu ahaa weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay Kolanyo Ciidan ah oo wadada marayay. sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan meesha weerarku ka dhacay.
“Waxaa dhacay qarax weyn oo khasaare badan geystay, waxaana gubtay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee caasiga loo yaqaan oo gobol ka yimid kuna socday Muqdisho, gaari kalena oo caasi ahna khasaare ayaa gaaray,” ayay tiri gabar ka mid ah dadka ku nool meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.
“Baabuurka oo dhan wuu gubtay, dadkii saarnaa oo mayd ah ayaana laga dajinayaa hadda, waddada oo dhan waa la xiray, maydadkana waa la kala garan la’ayahay,” ayay gabadhan hadalkeeda ku dartay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Soomaaliya iyo cid sheegatay toona weerarkaasi, hase ahaatee waxa la aamisanyahay inay fuliyeen dagaalyahanada Alshabaab oo laba maalmood ka hor uun ku hanjabay inay laba jibaarayaan Jihaadkoodii ay ka wadeen dalka, kaddib markii weerar cirka ah Maraykanku ku qaarajiyeen amiirkii guud ee Kooxdaas Axmed Cabdi Godane.
Godane ayaa Isniintii la soo dhaafay Sida Dawladda Maraykanku caddeysay lagu dilay Weerar cirka ah oo laga fuliyay Magaalada Baraawe ee Xarunta Gobolka Sh. Hoose, halkaasoo ay gacanta ku hayeen Xooggaga Alshabaab muddo dhowr sano ah.
Weerarkani waa kii ugu horeeyay ee Kooxdu fuliso tan iyo markii la soo sheegay dilka Godane:
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com