Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa Isniintii Maanta hortegay Aqalka Wakiillada, si uu warbixin ku saabsan xaalada amniga u siiyo Mudaneyaasha.
Waran-cadde ayaa warbixintiisa ku sheegay in nabad-gelyada dalku fiicantahay, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax cabsi ah oo xilligan nabad-gelyada khatar ku ah oo muuqda.
Waxa uu mudaneyaasha tafaasiil ka siiyay habka loo qabanayo Diwaan-gelinta Medeniga ah, taasoo uu sharaxaad dheer ka siiyay Golaha nidaamka loo marayo, Dhaqaalaha ku baxaya, ujeedada laga leeyahay iyo sharciyada lagu dabaqayo.
Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu si cad u sheegay inay Diwaan-gelintan muhiimad weyn u leedahay Qaranka, isla markaana lagu kala aqoonsan doono Muwaadiniinta Somaliland u dhashay iyo dadka soogalootiga ah.
Waxa uu sheegay inay tahay astaanta lagu aqoonsan doono qofka dalka u dhashay.
Hase ahaatee wasiirku markuu warbixinta dhameeyay, Mudaneyaal ka tirsan golaha oo Su’aalo waydiiyay, ayaa si adag u naqdiyay Diwaan-gelintan.
Xildhibaan Siciid Cali Rooble oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, xeer-diwaan-gelintaas lagu qabanayona guddidiisu gacanta ku hayso, ayaa soo jeediyay inaanay xukuumadda wax diwaan-gelin medeni ah samayn ilaa inta xeerka la dhamaystirayo.
Xildhibaano kale oo iyaguna fadhiga ka hadlay ayaa dhaliilay Diwaan-gelinta, iyagoo ku tilmaamay mid aan farsamo ahaan iyo sharci ahaan toona diyaar loo ahayn xilligan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com