Pages

Monday, September 8, 2014

Bilayska Soomaaliya oo qabtay Baasabooro dhacay oo Somaliland loo waday


Taliyaha Socdaalka Soomaaliya oo ka hadlay cida lagu waday iyo sababta loo qabtay




Gaafow DSC04809 (2)Muqdisho(GNA)- Taliyaha Hay’adda  socdaalka & jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay inay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kui qabteen baasbooro sharci daro ah oo loo soo waday Somaliland.




Gaafoow oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Baasbooradaas ku jiraan baasaaboorkii hore ee Cagaarka ahaa ee la madnuucay iyo kuwo kan cusuba, waxaanu tiradooda ku sheegay 50 xabadood oo 42 Cagaar yihiin siddeeda kalena Epasport.




 “Baasaboorka cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo, tiradooduna waxay ahayd 42 baasaboor oo kuwa cagaaran ah iyo siddeed E-Passort ah, raggii watayna gacanta ayaan ku haynaa baaritaanno ayaana ku socda,”  ayuu yiri Gen. C/llaahi Gaafow.




Baasbooradan ayaa lagu qabtay Rag Soomaali ah oo Fiiseyaal kaga soo dhufsaday Safaarada Soomaaliya ee Suudaan, kuwaasoo sida la sheegay ay ku qaadi lahaayeen Arday Waxbarasho ku tegaysa Dalka Suudaan.




Taliyaha Socdaalka Somaaliya waxa kale oo uu sheegay inay hore u qabteen Rag Ajaanib ah oo sitay Baasboorkii hore ee la madnuucay.




Xukuumada Soomaaliya ayaa horey u joojisay isicmaalka baasaboorkii hore ee cagaarnaa, waxaana qofkii lagu qabto ay ku sheegeen in uu ciqaab adag uu muteysan doono ama loo aqoonsan doono inuu Al-shabaab ka tirsan yahay.




Dadka reer Somaliland ayaa wali sii isticmaala Baasboorka Cagaaran ee la madnuucay, waxaanay ku aadaan meelo aan wali aqoonsan kan cusub ee DFS maamusho, iyadoo aan dawlada Somaliland ka jirtaana sharci ahaan u aqoonsanayn E Passports cusub ee Soomaaliya, maadaama ay ku dooddo inay ka madaxbanaantahay.