Pages

Sunday, August 17, 2014

Xukuumadda oo Xaraashtay Wershadda Korantada Dawladda ee Hargeysa


Somaliland: waxa la gaadhay Xilli Shirkaddo lagu wareejiyo Adeegyada Noloshada Bulshada Aasaaska u ah inta la xaraash




mar hadii Korantadii la wareejiyay waxa xiggi doona Cisbitaalada oo la iibiyo..?Warbixin




[caption id="attachment_93219" align="alignleft" width="300"]Xarunta Weshada la xaraashay Xarunta Weshada la xaraashay[/caption]Hargeysa(GNA)-Wershada Korantada dawladda ayaa la doonayaa in lagu wareejiyo Shirkaddo Ganacsi oo gaar loo leeyahay, arrintaasoo uu dabada ka riixayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo mid ka mida Shirkadaha la wareegaya leh.




Arrintan ayaa haddii Madaxweyne Siilaanyo Aqbalo faddeexad weyn ku ah qaranka, isla markaana noqonaysa markii ugu horaysay ee ay dawladdu wareejiso mid ka mida Adeegyada aasaasiga ah  ee Dastuurku ku waajibiyay inay Bulshada gaadhsiiso.




Saddex Shirkaddood oo sida aan sheegnay Madaxweyne ku-xigeenku mid leeyahay, ugana wakiil yahay Nin ay walaalo yihiin, Wasiirka Xidhiidhka golleyaasha dhawaan loo magacaabay ee Idiris Xaamud Jibriil, ayaa qorshuhu yahay in lagu wareejiyo, inkasta oo aan Madaxweyne Siilaanyo wali Qalinka ku duugin Heshiiskaasoo beryihii u dambeeyay la wad waday.




Saylici ayaa bilhii la soo dhaafay,mar Mishiinnada Wershadu cilad u fadhiisteen, Saraakiisha madaxda ka ah iyo Farsamo yaqaanada ku war geliyay in meesha la iibinayo, taasoo niyad jab ku keentay dar dar gelin lagu sameeyay adeegyada wershada, intii Maamulka cusub loo dhiibay.




Fadhiisiinta Mishiinada Wershada ayaa u muuqata arrin siyaasaddeed oo meel ka baxsan Maamulka Wershada laga soo abaabulay, kaasoo loo sameeyay si qorshaha lagu wareejinayaa u hir gelo, inkasta oo aan baadhis dhamaystiran lagu sameyn.




Guddi qaran oo hore u qiimaysay Wax soosaarka Wershada ayaa ku talisay in Maalin gelin deg deg ah hadii lagu sameeyo ay muddo kooban isku bixin doonto, lacagtaasoo aanay dawladdu wali bixin marka laga yimaado wax yar oo sida la sheegay Maamulka Wershadu qalab dayactir Mishiino ah dibada ugu diray.




Iyadoo ay taasi jirto ayaa Madaxweyne ku-xigeenka dalku tan iyo bishii April ee sanadkan uu madaxweynaha ku maslaxayay inuu saxeexo Heshiiska Wershada lagu wareejinayo.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa mar hore ku gacan saydhay qorshahaasi oo ay ku wada jireen Saylici iyo Mulkilaha Shirkadda SOMCABLE,  balse waxa la sheegay in hadana ay ku soo biirtay Share-ka Shirkadda Dahabshiil, oo mar hore loo diiday in lagu wareejiyo.




Maamulka Wershada oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino arrintan ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah bixiyaan, iyagoo ku doodday inaanay arrintaasi waxba kala socon.




Si kastaba ha ahaatee Korantada dawladda oo hada Bulshada kaalin mug leh ugu jirta, isla markaana hortaagan inay Shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee Laydhku  Bulshada iyo xarumaha dawladda ee adeegyada xaasaasiga ah bixiya sida ay doonaan ka yeellaan.




Wershadan oo sidoo kale laf-dhabar u ah shaqo maalmeedka xafiisyada dawladda ayaa hadday xukuumaddu wareejiso dhibaato hor leh lagala kumi doonaa Adeegyada Korantada, iyadoo ay mar walba khalad tahay in Shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejiyo Adeegyada Biyaha, Laydhka, Caafimaadka , Bangiyada iyo kuwa  kale ee la hal maala.




Adeegyadaasoo, talaabadii ugu horaysay  ee ay xukuumaddu mid ka mid ah ku wareejinayso ay hada qaaday, kuwa kalena ku xigi doonaan hadaanay  Dadka reer Hargeysa ka dhiidhiy.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com