Wasiir Xaglo-toosiye iyo Maayirka Caasimada oo dhagax dhigay dhisme qayb ka ah qurxinta Hargeysa oo laga dhisayo Wasaarada Caafimadka horteeda...
Hargeysa(GNA)-Maayirka caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa wada jir uga hadlay dhisme lagu qurxinayo wejiyadda hore ee wasaaradda Caafimaadka,kaas oo loogu tallogalay inay dadweynuhu ku nastaan wakhtiyadda ay booqanayaan cisbitaalka guud.
Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko ayaa sheegay in wejiyadda hore ee wasaaradda Caafimaadka ka dhigayaan goob qurux badan oo dadka ku socda cisbitaalku ay ku nastaan, isla markaana ka caagan goobo ganacsi maadaama oo cisbitaalka guud u dhow yahay.
Wasiirka caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye ayaa beeniyey in goobtan laga dhisayo dhismayaal ganacsi iyo warar kale oo dadku isla dhex marayeen, waxaanu yidhi“Dhulkan Wajahadda Wasaaradda Caafimaadka oo ay leedahay Wasaaradda Caafimaadku, iyadoo dawladda hoose masuul ka tahay, Meeshan oo ah Wajahad weyn,Meel muhiim ahna ku taala wuxuu naga codsaday maayarku in Dawladda hoose Qurxinteeda maal galiso, anaguna waanu u ogolaanay. Maaha meel dhismeyaal laga dhigayo sida dadka qaar Borobagaandada ka dhigayaan, maaha meel Dawladda hoose qaadanayso, Barnaamij baa ka dambeeya iyo Dawladda hoose ayaa qaadanaysa iyo waxba kama jiraan, meeshan ayay eegan kari waayeen fool xumideeda.Taasaana keentay inay beer ka dhigaan qurux badan oo indhaha soo jiidata” Ayuu yidhi Xaglotoosiye.
“ Hotel laga dhisayo iyo guri laga dhisayo iyo hawl kale oo laga qabanayo midna ma jirto,. Way jiraan dad dan yar ah oo ku ganacsada balse dhulkan waxa iska leh wasaaradda caafimaadka.”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Md Cabdiraxmaan Muxumed Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay in goobtan laga dhigayo meel bilic leh, isla markaana indhaha dadka soo jeedin karta,iyado laga dhigi doono cagaar, isla markana noqon doonta goob dadku ku nastaan. Maayirka oo arrintaasi ka ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa halkan (Wasaaradda Caafimaadka horteeda ee bariga dhakhtarka weyn) oo aanu horena warbaahinta uga sheegnay Jirdiimo meel beer ah oo magaaladda Hargeysi ma laha meel green ah mana jirto magaalo aan beeryan oo Green ah la heyni, waanan ogahay oo boro-bagaando badan ayey dadku ka fidinayaan”ayuu yidhi.
“waxa aan leeyahay adeer hadii aad halkan sharci daro ugu ganacsan jirtay waa la baneynayaa oo wax ayaa laga qabanayaa oo waanu dhameystiraynaa warbaahinta qaarna waxa ay qoreen Wasiir xaglo-toosiye iyo Maayarka ayaa isku qabsaday halkaasi adeer laba qof oo saaxiib ah ayaanu nahay marka laga tago wasaarada iyo Maayarnimada,halkanina waa wajahadii wasaaradda Caafimaadka anaguna bilicda qurxinta Caasimadda ayaanu u xilsaaranahay ka dawlad hoose ahaan waananu ka dhisayna Jirtiidna waananku ku wareejinaynaa wasaaradda caafimaadka ” ayuu sii yidhi Duqa Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Muxumed Caydiid (Soltelco)
“ Su’aashaas aan sii adkeeyo jawaabteeda ee waliba qofka odhanaaya halkan wax ayaa laga dhisayaa isaga ayaa damiir laawa ah waayo waa cusbitaalkii guud oo waa wasaaradii caafimaadka haddii aanu nidhaahno meel cagaaran ha looga dhigo ninka leh waa la iibinayaa (Wajahada Wasaaradda Caafimaadka ) adeer isaga ayaa damiir laawa ah,waxana weeyaan magaaladda si aad yar aad yar ayuu xashiishku uga yaraanayaa.
waxana aad ogtihiin in aanu laba shirkadood siinay ruqsada qashin ururinta waxana xaafadda 26-ka June 4 gaadhi oo qashin ururin ah imikana waxa ka shaqeeya 9 gaadhi.
Wax aad og tihiin in maalintii aanu xilka la wareegnay labada haad ee wadooyinka qashinku buuxay imikana ay banaan yihiin oo meelaha qaar uun waxyari ku sii hadheen” ayuu yidhi.
Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa wadda barnaamij ay caasimadda ku qurxinayso, isla markaana loo samaynayo jardiimooyin ay dadku ku nastaan, iyadoo sandaqadaha iyo dayrarka sharci darada ah ee ku yaalla wadooyinka hareerahooda burburinaya si bilicda magaaladdu usoo baxdo.
Source: barkhad-ladiif Muxumed Cumar
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com