Pages

Sunday, August 17, 2014

Boqor Mad-madow oo cambaareeyay Duullaanka ka dhan ah Deegaanka Diiriye Guuleed


Boqor BadmadowHargeysa(GNA)-Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow), ayaa ka digay inay colaad dawladdu qayb ka tahay ka qaraxdo deegaanka Diiriye guuleed ee Gobolka togdheer, halkaasoo xiisad laba beelood ka taagnayd muddooyinkan dambe.




Xiisaddan oo dawladdu go’aamo la saluugay ka soo saartay, ayaa wax shalay ka dhacay iska horimaad u dhexeeya Ciidanka dawladda iyo Maleeshiyo beelleed.




“anigoo ah Boqor Axmed Maxamed Xasan (Mad-madow), waxaan si adag u cambaareynayaa Duulaanka dawladda looga faa’idaysanayo ee lagu qaaday Deegaanka Beesha Arab ee Diiriye Guuleed. Waxaan beesha Madaxweynaha uga digayaa inay joojiso duulaankaas, dawladdana waxaan ugu baaqayaa inay si cadaalad ah u xaliso khilaafka halkaa ka taagan”




Boqor Bad-madow ayaa sidoo kale sheegay “Madaxweynaha Qaranka waxaan leeyahay Dhulkaasi waa dhul magaado leedahay, hadii aan duulaanka laga joojina waxa ka iman doonta dhibaato weyn”