Pages

Sunday, August 17, 2014

Cali Guray: Khaatumo xaqbay u leeyihiin inay samaystaan Maamul”Daawo


[caption id="attachment_72603" align="alignleft" width="300"]Guddoomiye ku-xigeenka 3aad UCID Guddoomiye ku-xigeenka 3aad UCID[/caption]Hargeysa(GNA)-Mid a mid ah hogaamiyeyaasha sar sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday inay Dadka reer Khaatumo xaq u leeyihiin inay dhistaan Maamul, maadaama ay ka soo horjeedaan Aragti ahaan Somaliland.




Cali Maxamed Xasan (Cali-guray), ayaa sheegay “Xaqbay u leeyihiin Khaatumo inay madaxweyne samaystaan, sidaanu annaguba SNM u samaysanay markaanu dawladdii ka soo horjeesanay”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee UCID.




Cali-guray oo u waramay Telefishanka STARTV, ayaa intaas ku daray “kolay anigu waxaan u arkaa dad aanu kala aragti siyaasaddeed nahay”.




Halkan ka Daawo




Waa siyaasigii ugu horeeyay ee isagoo saaxada Siyaasadda ku jira si cad u Taageera Maamulka la baxay Khaatumo ay Somaliland u aragto fidmo  dibada laga soo abaabulay oo amni daro ka shaqaynaya.




Hadal haynta Khaatumo ee gudaha Somaliland ayaa kor u kacday todobaadkii la soo dhaafay , kaddib markii Madaxweynaha maamulkaas loo doortay Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh.