Pages

Friday, August 15, 2014

Kacdoono Xukuumada siilaanyo lagaga soo horjeedo oo si xawli ah uga socda gudaha magaalada borama.


Borama(GNA)-Waxa mudooyinkii danbe isa soo taraya dareenada qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada borama ay kaga soo horjeedaan siyaasad xumada xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay siilaanyo taas oo ay sii cuslaysay ka dib markii ay xukuumadu ku talaabsatay in ay gacan ka siiso dowlada jabuuti baadhitaanada la xidhiidhay muwaadiniin reer Somaliland ah oo xukuumada jabuuti ku eedaysay gacan siinta hawlo argagixiso iyo qaraxyo ka dhacay gudaha dalka jabuuti iyadoo xukuumada Axmed siilaanyana ay u gudbisay jabuuti dad masaakiina oo aan wax lug ah ku lahayn qaraxa ka dhacay jabuuti kuwasi oo u badan dirawaliin u xoogsanayay ubadkooda oo aan wax raad ah ku lahayn eedamaymaha qaawan ee dusha laga saaray taasoo iyadna keentay in ay xukuumadu sharcigii dalka gacanta ku qaadato isla markaana ay si badheedha oo qaawan ugu tumatay qodobada dastuuriga ah gaar ahaan farqooyinka ku saabsan xuquuqda aasaasiga ee muwaadinku leeyahay iyadoo ay ahayd in dalabka dowlada jabuuti ay xukuumada Somaliland ka dalbatay uu ahaa qaab sharciga dalka Somaliland waafaqsan ay dowladu go’aansato muwaadiniinteedana maxkamadaha dalka  ku xukunto hadii wax danbi ah lagu helo,dowlada jabuutina ay wakiilo ka socda xeer ilaalinta dalka jabuuti goob joog uga ahaadaan ugana qayb galaan dacwada iyo eedaymaha ay ku andacoonaysay jabuuti balse ay taasi dhicin inkastoo warbaahinta dalka hadal uu siiyay wasiirka gudaha ee warancade qaabka uu u dhigay ay keentay in ay jahawareer kusii abuurto bulshada reer awdal kuwaas oo ilaa iyo hada ka dhur sugaya in muwaadinintoodii dhigooda ahaa ay la qaybsadaan xanuunka xabsiga gabood ee dalka jabuuti taas oo hada laga joogo mudo ku siman 3 bilood markii muwaadiniintaas loo gudbiyay jabuuti si kastaba ha ahaatee dareenada uga ifay hadalka wasiir warancade ayaa bulshada reer borama ku abuuray walaac hor leh oo ka turjumaya inay kacdoon kala soo horjeestaan xukuumada siilaanyo mar hadii aanay shaqaynayn sharcigii iyo qawaaniintii damaanad qaadayay xoriyada aasasiga ah ee muwaadinku leeyahay iyadoo goobaha bulshadu ku kulanto maalintii aanay marnaba ka joogsan hadal haynta qaabka foosha xun ee loola dhaqmay muwaadinintaas iyadoo sida warancade uu ugu tilmaamay muwaadiniintaas inaanay ahaynba reer Somaliland isku soo wada duuboo waxa ay dadwaynuhu iswaydiinayaan waxa ilaa hada jawaab waafiya ay xukuumadu uga bixin laadahay muwaadinintaas iyo halka ay ku danbeeyeen waxa kale oo ay sidaa si leeg isku waydiinayaan wasiir warancade waxa uu ka aaminsanyahay muwadiniinta mise waxa  kaliya oo uu muwaadin u yaqaana dadka kasoo jeeda beeshiisa ee beelaha kale dadka kasoo jeeda waxa ay ugu qoranyihiin looma ooyaan guntii iyo gababadii waxa xanuun naxdin leh ku haya bulshada ku dhaqan magaalada borama  muwaadiniinta ay xukuumadu eheladoodii u sheegaty markii ay arintaasi socotay ee ahayd in maxkamadaha dalka la horgayn doono iyo sida dowlada jabuuti ka aaminsantahay qaranka Somaliland oo ah meel aan la aqoonsanayn sharcigeeda iyo kala danbayntuna aanay jirinba taas oo sii murgisay xaalada muwaadiniintaa iyo falalka la sheegay inay kula kacday xukuumada jabuuti ka dib markii ay masuuliyiintii ay arintaasi khusaysay  ku qanciyeen in qawaaniinta iyo sharciga Somaliland uu ka horumarsanyahay kan jabuuti taasoo karaamada iyo haybada qaranka Somaliland meel ka dhac ku ah balse ugu danbayn ila wareedyo ka imanaya muwadiniinta reer Somaliland ee xabsiga gabood ayaa waxa ay tibaaxayaan in ay sheegan muwaadiniintaasi in dowlada jabuuti ku wargalisay inaanay u xidhanayn xukuumada jabuuti ee ay u xidhanyihiin Somaliland balse bulshada uu taabtay dereenkan xasaasiga ahi ayaa waxa ay isu diyaarinayaan kacdoono ka dhan ah xukuumada Somaliland iyagoo aan wali meesha ka saarin in wax qanciya ay xukuumadu la hor iman doonto sida ugu deg-dega badan.




BY:Mustafe Caraale




Gobanimo News.Com