Pages

Friday, August 15, 2014

Burco oo Shidaal la’aan awgeed Baabuurta la dhigay


Burco(GNA)-Magaalada Burco xarunta  Gobolka Togdheer ayaa waxa soo foodsaartay shidaal yaraan baahsan, xilli Mushkilada la’aanta Batroolku dalka oo dhan ka taagantahay.




Magaalada ayaa  ilaa shalayto laga dareemayay Shidaal yaraanta,, iyadoo la arkayay gaadiidka yaryar oo is daba wareegaya oo ku wareegaya kaala maha shidaalka ee magaalada Burco oo waydiinayay bal inay wax shidaal ah hayaan.




Waxa  jiray goobo aad u yar oo shidaalka si cidhiidhi ah looga helayay,isla markana qiimahiisu uu aad u sareeyo.




Tenega  Batroolka ah ayaa qiimihiisu gaadhay  $ 24,  halka uu markii hore ka ahaa $20 doolar oo qudha.




arintani waxay sababtay inuu isu socodka gaadiidku yaraado.




“waaniga gaadhigaygii halkaas iska dhigay badrool la’aan” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Gaadiidleyda reer  Burco oo Gobanimonews la hadlay.




Shidaal yaraanta ayaa ka dhalatay Shidaalkii dibada laga keeni jiray oo kala go’ay iyo dawladda oo tashiil gelisay horaantii bishan Batroolkii ku jiray Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo haatan Gabaabsi ku dhow.




Wax ka yar todoba boqol oo foosto ayaa laba usbuuc ka ku jiray Kaydka Haamaha Shidaalka, waxaanay taasi muujinaysaa in xaallada batrool yaraantu sii kordhayso.




Magaalada Hargeysa ayaa laba todobaad ka hor si weyn looga dareemay shidaal yaraanta, taasoo aan ilaa hada wax iska bedelay jirin




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com