Pages

Friday, August 15, 2014

Xildhibaan Dheeg Oo sheegay in Mucaaridku ku Xad-gubeen Distuurka


[caption id="attachment_93093" align="alignleft" width="183"]Xildhibaan Maxamed Maxamuud DheegXildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg[/caption]




Xildhibaan Dheeg Oo Mucaaridka Ku Tilmaamay Inay Ku Xadgubeen Distoorkii Umadda Somaliland 97% U Codeysay, Kana Hadlay Goosashadda Xaabsadde




 




Xildhibaan (Gobanimonews)15-8-2014-Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida,ayaa jawaab adag ka bixiyey dawlad wadaag ah oo ay Axsaabta Mucaaridka  ahu ku baaqeen,taasi oo uu ku tilmaamay mid shacbiga lagu khalkhal gelinaayo oo sharci daro ah waxana uu sido kale ka hadlay goosashadda Lataliyahii Madaxweynaha ee Axmed Cabdi Xaabsade oo Putland u goostay.




Md Maxamed Maxamuud Dheeg ,ayaa isaga oo ku sugan magaalo madaxda Caasimadda Itoobiya  ee Adisababa oo uu arimo Caafimaad u tegay,ayuu xildhibaanku Wargeyska Saxansaxo khaldka daleefanka kula soo xidhiidhay,waxana uu si adag uga hadlay hadalka ka soo yeedhay mucaaridka Somaliland kaasi oo ay dawladd wadaaga ku baaqeen inay sameyn doonaan hadii mudada doorashadda loo cayimay dawladdu ku qaban weydo taasi uu ku macneeyey hadal qof aan maskaxdiisu caafimaad qabani ku hadlay,waxana kale oo xildhibaan Dheeg ka hadlay goosashadda Xaabsadde oo uu sheegay in uu yahay nin aan sal lahayn Somaliland meel dhaantana waligii heli doodon.




 




Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi  “Aniga oo jooga Adisababa una jooga arimo Caafimaad idinkana rajeynaaya in aad ii soo duceysaan in ALLE ii fududeeyo caafimaadna iga siiyo,waxa aan doonayaa in aan ka hadlo hadalo ka soo yeedhay Mucaaridka oo leh hadii doorashooyinka soo socdaa dhici waayaan waxa aanu sameynaynaa dawlad iyo cid ayaanu dambi ku qaadneynaa iyo waxa jira Musuq maasuq iyo arimo noocaas ah ayaan warbaahinta ka maqlayaa oo shacbiga lagu khalkhal gelinaayo maadaama oo aan ahay mudane guurtiida Somaliland ka tirsan arimahaasi ayaan doonayaa in aan xooga dadka u yara iftiimoyo”




Md Dheeg oo faahfaahin ka bixinaayey sharciyadda iyo jiritaanka aasaaskii Distoorka Somaliland waxa uu yidhi “Ugu horeyn waxa aan leeyahay horta hadii doorasho dalka ka qabsoomi weydo waa hadiiye sharci ayaa uu dalka Somaliland taas ka leeyahay,anaga oo aad u rajeynaaya inay doorashadu xiligii loogu talo galay dalka ka qabsoomi doonto,laakiin hadii ay qabsoomi waydo waxa la sameeyey wixii laga yeeli lahaa oo sharci shaqeynaaya inooga yaala sida uu dhigaayo aynu raacaynaa,mana jirto qof sharci daro laga yeelayo oo 1997-kii ayaanu sharcigaas halkaasi ku sameynay  guriga shaqaalaha aniga iyo dhawr boqol oo kale oo reer Somaliland ah waxana aanu u gudbinay shacabka Somaliland oo 97% ayaa u codeeyey waana Distoor qodox iyo shilling-tii laga jaray  hadaba qofka maanta leh wax aan distoorkaasi ku jirin leh ha lagu dhaqmo ama waan sameynayaa waxa aan u arka mid aan miyir qabin oo aan xilba qaadi Karin waxana weeyaad sameynta distoorkeenan dalka u yaala wixii aqoon yahan Somaliland la heyd oo madaxweynaheenan imika jooga ka mid ahaa iyo culumo awdiinkii ay ku jiraan ayaa ka shaqeeyey wax inoo maqnaana muujirin”




Xildhibaan Maxamed Maxamuud  Dheeg  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maanta distoorkeena qofka Saluuga ka muujiya anigu waxku filanba garan maayo,Somaliland-na  waa dal qaangaadhay waa dal dhawr iyo labaatan sanno qaangaadhay oo jiray caqojugleyn iyo hanjabaad iyo waxaasi oo dhan wuu soo dhaafay,waxana weeye mucaaridku yey deg degin waxana weeye markii UDUB Xukunka haystay  ee Kulmiye iyo UCID-na ahaayeen Mucaaridka  ayey sheekadan oo kale timid dabadeedna nin ka mid ahaa Kulmiye oo aad u jeclaa in aan mudo kordhin la sameynin ayaa hadlay oo yidhi waxa aan jecla in distoorka laga saaro qodobka 83aad oo ah qodobka kordhinta dabadeedna aniga oo ahaa ninkii ku xigay ee hadlay  waxana aan ku idhi ha odhanintaas waxa laga yaaba in aad maalin aad u jeclaysato una taageersan tahay qodobkani ay timaado,waxana aan leeyahay nimanka mucaaridka ah waxa iman doonta maalin aad jeclaysataan in aan dalka foowdo la gelinin anaga oo jecel in aanay doorashadu dib u dhicin madaxweynahuna aanu wali noo soo gudbinin wax mudo kordhin aha dalkuna leeyahay sharci iyo Koomiishan doorashooyinka qaraanka ah oo saddexda xisbi u dhex ah yaanay mucaaridku deg degin sharcigana jabinin ee ha sugaan doorashadda hadii ay doonayaan”




Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg  oo ugu dambeyntii ka hadlaayey tegitaanka iyo goosashadda Wasiirkii  hore ee  hawlaha guud ahaana imika la taliye madaxweynaha Somaliland ,Axmed Cabdi Xaabsadde  waxa uu yidhi “Xaabsadde inta goor ee uu halkaasi tegay iyo inta uu soo noqday waynu wada garaneynaa waxana uu tegay Kilalka shanaad ee Somalida Itoobiya waxana uu is yidhi Aqal ka dhiso waxana uu yidhi waan imanayaa waxana lagu yidhi xagee aad imaneysaa,dabadeena anigu ninkaasi nin aan mabda la heyn ayaan u arka oo Saddex mushahaaro ayuu qaadanaayey imika Somaliland ayuu joogay meel ka wanaagsana waligii heli maayo”




Gobanimonews@gmail.com




Wariye: Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Hargeysa Office /Somaliland