Burco(GNA)-Magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxa soo foodsaartay shidaal yaraan baahsan, xilli Mushkilada la’aanta Batroolku dalka oo dhan ka taagantahay.
Magaalada ayaa ilaa shalayto laga dareemayay Shidaal yaraanta,, iyadoo la arkayay gaadiidka yaryar oo is daba wareegaya oo ku wareegaya kaala maha shidaalka ee magaalada Burco oo waydiinayay bal inay wax shidaal ah hayaan.
Waxa jiray goobo aad u yar oo shidaalka si cidhiidhi ah looga helayay,isla markana qiimahiisu uu aad u sareeyo.
Tenega Batroolka ah ayaa qiimihiisu gaadhay $ 24, halka uu markii hore ka ahaa $20 doolar oo qudha.
arintani waxay sababtay inuu isu socodka gaadiidku yaraado.
“waaniga gaadhigaygii halkaas iska dhigay badrool la’aan” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Gaadiidleyda reer Burco oo Gobanimonews la hadlay.
Shidaal yaraanta ayaa ka dhalatay Shidaalkii dibada laga keeni jiray oo kala go’ay iyo dawladda oo tashiil gelisay horaantii bishan Batroolkii ku jiray Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo haatan Gabaabsi ku dhow.
Wax ka yar todoba boqol oo foosto ayaa laba usbuuc ka ku jiray Kaydka Haamaha Shidaalka, waxaanay taasi muujinaysaa in xaallada batrool yaraantu sii kordhayso.
Magaalada Hargeysa ayaa laba todobaad ka hor si weyn looga dareemay shidaal yaraanta, taasoo aan ilaa hada wax iska bedelay jirin
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: axmedmm9@hotmail.com