Pages

Thursday, August 21, 2014

AC.Milan Oo Beenisay In Liverpool Soo Dalbatay Balotelli


Madaxwayne ku xigeenka AC.Milan Adriano Galliani ayaa ka hadlay war uu qoray wargayska La Gazzetta dello Sport kaas oo uu ku sheegay  in Liverpool ay 22 milyan oo euro ku dalbatay Mario Balotelli.




1000x73522




Adriano Galliani ayaa sheegay in aanay jirin koox kala soo xidhiidhay iibka Balotelli wuxuuna rajo ka muujiyay in wakhtiga yar ee ka hadhsan xidhanka suuqa kala iibsiga uu filayo inay soo gaadhi doonaan  dalabyada lagu doonayo xidigan afka hore ee Milan.




 




“Ilaa hada ma jiraan wali wax dalabyo lagu doonayo Balotelli oo nasoo gaadhay, mana jirto koox kale oo aan kawada hadalnay iibka laacib kan” ayuu ugu waramay Galliani warfidiyaha Football Italia.




 




“Wali waxaa ka hadhay wakhti yar suuqa kala iibsiga, waanan sugi doona si aan u aragno wixii dhaca”.