Pages

Friday, August 22, 2014

Marcello Lippi Oo Cadho Is Hayn Waayay Garoonkana Soo Dhex Cararay Si uu Garsooraha Ula Dagaalamo


 ad143482848guangzhou-evergr-650x360Marcello Lippi oo ka mid ah tababarayaasha ixtiraamka weyn ku leh kubada cagta , xulka Talyaanigana u qaaday koob aduunkii 2006 , kooxda Juventusna Horyaalka Yurub u qaaday, ayaa sameeyey fal argagax ku abuuray guud ahaan taageerayaasha kubada cagta.




 




Odaygan 66 jirka ah, ayaa garoonka soo dhex cararay si uu ula dagaalamo garsoore  Mohamed Abdullah Hassan kadib markii uu ka cadhooday go’aan uu kaadhka casaanka ah ku siiyey laba kamid ah ciyaaryahanadii uu tababaraha u ahaa ciyaar horyaalka naadiyada Aasiya ah.Guangzhou Evergrande's coach Marcello Lippi of Italy gives instructions from the sideline during their AFC Champions League quarter-final soccer match against Western Sydney Wanderers in Sydney




ad143482209guangzhou-evergr-500x335




Tababarahan Talyaaniga ah ayaa imika macalin u ah kooxda Chinese ka ah ee Guangzhou Evergrande, oo uu hore ugu qaaday laba horyaalka Shiinaha ah iyo hal horyaalka qaarada Aasiya ah sanadkii 2003.




 




Laakiin iyadoo kooxdiisa lagu leeyahay 1-0 ciyaartii is araga hore oo ay la ciyaarayeen kooxda reer Austaralia ee Western Sydney Wanderers, Lippi wuxuu xejin kari waayay shucuurtiisa cadho kadib markii kaadhka casaanka ah loo taagay xidiga khadka dhexe uga ciyaarayay kooxdiisa ee Gao Lin iyo difaacyahan Zhang Linpeng.Guangzhou Evergrande coach Marcello Lipp




ad143482827guangzhou-evergr-500x343




Falkan ayaan kali ku ahayn Lippi, laakiin inta badan ciyaaryahanadii garoonka ku jiray ayaa ka qayb qaatay mashaqadii meesha ka dhacday wax yar uun ka hor siidhigii dhamaadka ciyaarta  ka socotay garoonka Parramatta Stadium.




 




Tomi Juric ayaa u dhaliyey goolka madiga ah ee guushu ku raacday kooxda Australian ka ah, ka hor intii aanu jiqil ama suxul si ula kac ah ugu dhufanin ciyaaryahan Zhang laacibkii ka soo horjeeday ee Mark Bridge daqiiqadii 88aad, wax yar kadibna kaadhka casaanka ah loo taagin Gao oo khalad ka gallay ciyaaryahanka Brazilian-ka ah ee Saba.Western Sydney Wanderers vs Guangzhou Evergrande




ad143482062epa04360977-guan-500x333




Kadib markii ciyaartu dhamaatay , tababaraha Talyaaniga ah oo ka hadlay mushkilada meesha ka dhacay waxaa hadaladiisii kamid ahaa: ‘Dhacdada hore si fiican uma arkayn, laakiin ta labaad hortayda ayay ka dhacday xaqna ma ahayn in casaan lagu bixiyo.




 




‘Aniga waad I garanaysaan koob aduunka iyo champion league ba waan ku guulaystay, ma ahayn qof dhaqankan oo kale leh, waxaan ahayn qof aqoon leh.




 




‘Waan ogaa inaan garoonka gallay laakiin waxaan doonayay inaan waydiiyo inuu ii sharaxo go’aamadiisa.’




 




Shirkii jaraaid ee uu qabtay ciyaarta kadibna wuxuu ku soo gunaanaday , isagoo kor u qaylinaya oo ku hadlaya luqada Talyaaniga , , ‘Ma doonayn inaan kala  hadlo koobkii aduunka ee aan qaaday ama wax kale, kaliya waxaan doonayay inaan weydiiyo sharaxaad ku saabsan wixii uu sameeyey.’