Pages

Monday, August 18, 2014

2 Askari oo ku dhaawacmay dibad-bax Burco ka dhacay iyo Odayaal la xidh-xidhay


burcoBurco(GNA)-Magaalada Burco, waxa saaka ka dhacay dibad bax lagaga soo horjeedo, Xadhiga Odayaal ka soo jeeda mid ka mid ah labada beelood ee ku muransan Deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco.




Mudaharaadkan oo ka dhacay badhtamaha Magaalada, ayaa dadka dhigay Bilayska kala horyimaadeen dhagax-tuur, waxaanay gubayeen taayiro iyo  waxyaabo kale.




Ugu yaraan laba askari oo Bilayska ka tirsan ayaa dhaawacyo fudud ay ka soo gaadheen Mudaharaadkaasi, kuwaasoo waxyeello ka soo gaadhay dhagax-tuurka.




Ciidamada RRU-da loo yaqaano ee Bilayska ayaa rasaas ay cirka u ridayaan ku kala dareeriyay dadka, kuwaasoo markii dambe ammaanka magaalada la wareegay.




Dibad-baxan ayaa yimi, kaddib markii xalay la xidh-xidhay Odayaal isugu jira nabad-doono iyo wax-garad ka soo jeedda Beesha Cabdala Arab , kuwaasoo xadhigoodu ka dhashay diidmo ay kala hor-yimaadeen go’aankii dawladdu ka soo saartay Deegaanka lagu muransanyahay.




Kulanka ay xalay wada yeesheen wefti xukuumaddu u dirtay dhinacooda sidii loogu qancin lahaa go’aanka la soo saaray, ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, kaasoo sababay in xabsiga lagu guro odayaasha.




Taliyaha Ciidanka Bilayska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Xildhibaan Nac-nac oo ka mida Golaha Wakiillada iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, ayaa hawshaasi dawladdu u dirtay dhowr maalmood ka hor.




Xubnahan oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye  ayaa maanta booqday deegaanka lagu muransanyahay, si ay u soo indho indheeyaan.




Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Golaha nabaddeynta Guurtida Somaliland ayaan wax door ah ku lahayn dejinta xiisada ka taagan Baliga Diiriye Guuleed oo ay go’aamada hore dawladdu uga soo saartay khilaafkii huriyeen.




Wariyaha Gobanimonews ee Magaalada Burco oo Khadka Telefoonka ugaga waramay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Magaalada iyo Deegaanka, Saleeban Cabdi Cali ayaa sheegay in weftigu doonayaan sidii ay deegaanka Odayaasha laga xidh-xidhay ugu qancin lahaayeen inay ayidaan amarka Xukuumadda.