Pages

Monday, August 18, 2014

Hargeysa: Saddex Carruur ah oo ku dhintay Guri gubtay


Hargeysa1




Hargeysa(GNA)-Saddex Ubad  oo walaalo ah ayaa ku dhintay Dab ka kacay Guriga qoyskooda oo ku yaalla Xaafadda Cabaaye, agagaarka Dugsiga Waraabe-salaan ee Magaalada Hargeysa abaaro 10: 30-kii subaxnimo ee saaka.




Saddexda Carruurta ah ee dhintay, ayaa hoosta kaga jiray Guriga oo ay Hooyaddood dusha kaga sii xidhay, waxaanay mid ka mid ah oo ugu yaraa Carruurta lugta kaga sii xidhay Xadhig, goob-joogeyaal ayaa Gobanimonews u sheegay.




“Dabku wuxuu ka dhashay Gir-gire dab ka baxayay oo gudaha Guriga yaallay, kaasoo hooyadood u diyaarisay inay qadada ku kariso”ayuu intaas ku daray goob-jooge kale oo aqalka gubtay ay jaar yihiin.




Guriga ayaa ka samaysnaa Jingad, waxana markii mashaqadu dhacday Hooyadu ku maqnayd oo ay addeeg u doonatay Dukaan Guriga aan ka fogayn.




“dadka jaarka ah ayuunbaa arkay guriga oo qiiqaya” ayuu yidhi Cabdiqaadir oo ka mid ahaa dadkii u gurmaday qoyskan Masiibadu ku habsatay “dabadeed waxa markiiba u soo gurmaday Jaarkii, laakiinse way ku dhici waayeen in gudaha guriga la galo”ayuu sii yidhi.




Saddexda Caruurta ah waxa dhalay Nin Macalin ah oo wax ka dhiga Dugsiga Waraabe Salaan.




Qoyskan ayaa ah reer Danyar “waxa meeshii laga soo saaray saddexdii carruurta ahaa oo shuf-beelay, dabaddeedna isku dhegay”ayuu sheegay goob-jooge kale.




Dab-damiska Dawladda hoose oo gurmad ku yimi meesha ayaa soo gaadhay goor dambe.




“Ma jiro wax ka badbaaday guud ahaanba wixii Guriga dhexdiisa yaallay”ayuu yidhi Cabdiqaadir.




Aakhirkii waxa lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabkaas oo geystay Khasaare Masiibo ah.




“saddexda Carruurta ah ta ugu weyni waxay ahayd Gabadh, waxaana ugu yaraa Wiil yar oo Gur-guuranaya”ayey sheegeen Dadka jaarka la ah Qoyska Masiibadu ku habsatay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com