Pages

Monday, August 18, 2014

Wasiirka Duulista Somaliland oo Fadeexad Markhaati Madoon ah iyo Sharci Jebin Ku Kacay


wuxuu lacag sharci daro ah ku soo rogay dadka ka dhoofaya Madaarada dalka iyo kuwa ka soo degaya + Barxada Baabuurta la dhigto oo saacadiiba $ 1 lagu kireeyo..




ssssHargeysa (GNA)-18-8-2014- Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa lacag xad dhaaf ah oo aan golayaasha Sharci dejinta ee Somaliland soo marin ku soo rogay inay bixiyaan dadka taraasidka ah ee Madaaradda dalka ka dhoofaya iyada oo sida fariin Wasaaradda Duulistu ku soo dirtay qeybta fariimaha ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom lagu sheegay in $43 dollar ay iska bixiyaan dadka waa weyni halka dadka da doodu ka yartahay 15 jirkana lag qaaadi doono $10 dollar.




Maamulka Wasaaraadda Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka,ayaa hore khilaaf weyni uga dhashay lacag $10 dollar aheyd oo dadka  taraasidka madaaradda dalka laga qaadi jiray mudo dheer balse aanay cidi ogeyn,golayaasha sharci dejinta ee Wakiiladda iyo Guurtidda  Baarlamaankana aan mudadaasi  soo marin wakhtigii la qaadi jireyna aan Wasaaradda maaliyadda iyo Qasnadda dawladda midkoodna ku dhici jirin ee gacanta wasiirka si sharci daro ah loogu musuqi jiray,taasi oo markii dambe ee ay fashilantay dagaal xoogani ka dhex qarxisay  golaha  Sharci dejinta  ee Wakiiladda iyo Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi waxana dagaal dheer arintaasi ay ku kaliftay Wasiirku in uu lacagtaasi golaha ka sharciyeeyo oo la ansixiyo qaaditaanka $10 dollar.




Arinta yaabka leh ayaa ah in hadana wasiir Md Maxamuud Xaashi Cabdi uu lacagtii ugu badneyd oo marka loo eego cadadka la qaadi doono afar laabka badan tii hore oo aheyd  $10 dollar hada laga dhigi doono $43 dollar taasi oo 80% in kor loo qaaday lacagta dadka madaaradda Somaliland ka dhoofaya ka dhigi doonta waxana meesha ka muuqata sharci jebin iyo ismiidaamin Wasiirku xeerarka dalka u yaala iyo tidaamka dawladnimada ahba ku sameynaayo.




Dhinaca kale waxa iyaguna taasi barbar socda lacago kale oo xad dhaaf ah oo maamulka Wasaaradda duulistu ay ka qaadaan rakaabka Madaaradda dalka ka dhaafaayo iyo kuwa soo degaaya qaarkood iyada oo ay ka mid tahay lacaga la qaado ee dadka laga qaado oo aan cadadkeeda la ogeyn waxana ka mid ah madaarka hargeysa oo Qolalka VIB-da laga qaado dadka qaar lacag iyada oo loofuro dadka si lacag loogu urursado mana jirto meel ay Waaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Cashuuraha Bariga iyo Qasnada dawladad lacagtaasi kaga soo dhacdo waxana jira dad ashkhaas gaar ah oo lagu yaqaano inay haystaan Furayaasha qolalka  VIP-da  ee tirada batay imika ee qaarood farta laga qaaday ee  Maraarka Hargeysa.




Fariinta Maamulka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirku ay u direen dadka rakaabka Diyaaradda ee Madaaradda dalka ka dhoofaya oo ay ku dirtay qeybta Fariimaha ee Telefoonka Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM waxa ay u dhigneydsidan.




"Waxa Uu Maamulka Wasaaradda Cigaal International Ee Hargeysa Ogaysiinayaa Rakaabka Ka Dhoofaya Madaaradda Somaliland In Ay Ku Soo Talogalaan Lacagta Cashuurta Madaarada Oo Kala Ah Sidan,Dadka Ka Waa Weyn 15 Jir  Cashuurtu  Waa $43 Dollar ,Dadka  Da’doodu  Ka Yarta Tahay 15 Jir Cashuurtu Waa $10 Dollar ,Si Ay U Fududaadaan Kuyuuga Iyo Habsami U Socodka Hawlaha Dhoofku.Mahadsanid".




Waxa kale oo jira lacag lagu kireeyo barxada Baabuurta la dhigto ee gudaha Madaarka, taasoo qofka loo xisaabinayo inta saacaddood ee uu ku jiro gudaha Madaarka, iyadoo saacadiiba hal dollar loogu dhufanayo, taasoo ay ka qaliyeen dadku, isla markaana qofka saddex saacadood ku jiraa laga qaadayo $3.




"arrintaasi waxay dhiig-miirasho ku tahay dadka, mana aha wax dadku qaadi karaan"sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadka sida joogtada ah u taga Madaarka.




Lacagtaas ayaa waxa qofka loogu jarayaa warqad yar oo Voucher ah, iyadoo uu ku khasbanyahay inuu bixiyo, halka ka aan haysana xanibaad la kulmayo.




Waxa kale oo jirta lacag Kiro ah oo laga qaado shirkadaha boodhadhka xayeysiiska ku dhejista Madaarka. lacagahaas ayaan dhamaantood marin nidaam sharci ah, isla markaana goleyaasha xeee-dejinta aan la soo marin.




 




Wariye Mr Hudle




Gobanimonews/Hargeysa Head Office/Somaliland