Muqdisho(GNA)-Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xaafada Nation link ee degmada Wadajir magaalada Muqdisho ku dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamankii hore ee KMG .
Niman Hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa dilay Cumar Yuusuf Caliyow (Cumar begedi), sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha dawladda ee Degmada.
Ex-Xildhibaan Cumar Bagadi dilka loo geystay ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Kooxda Al-shabaab ayaa todobaadkan weeraro kala duwan ka geystay Magaalada Muqdisho iyo deegaamo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya, kuwaasoo lagu laayay Masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo tiro askar.