Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday
Maxamed Khalaf Aadan (Shongole) oo ahaa Halyey Isboorti, isla markaana
ahaa Kabtankii u horeeyay xulka Qaranka Soomaaliya sanadihii
50-meeyadii, xilligaasoo kubada lagu ciyaari jiray cago-cadaan.
Geerida Shongole ayaa waxaa u xaqiijiyay warbaahinta mid ka mid ah
eheladiisa oo sheegay in maalmo ka hor laga keenay magaalada Jowhar,
kadib markii uu xanuunsaday, waxaana uu xalay ku dhintay mid ka mid ah
Isbitaalada Muqdisho.
Marxuum Shongole ayaa in muddo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Olimbikada
Gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kale waxaa uu ahaa xubin ka tirsan
Gudiga Olimbikada Soomaaliyeed, waxaana uu mudooyinkan ku xanuunsanayay
magaalada Muqdisho oo dhowaan caafimaad ahaan loogu soo qaaday.
Ka sokow qabiirnimada xaga Isboortiga oo uu ahaa Shongole waxaa u sii
dheereyd inay Soomaalinimada ku weyneyd, isla markaana uu aad u necbaa
qabiilka.
Maxamed Khalaf Aadan (Shongole) waxaa uu ahaa halyey Isboorti oo uu
noloshiisa oo dhan ku jiray Bahda Isboortiga
<http://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2014/07/marxuum-shongole.jpg>
Maxamed Khalaf Aadan (Shongole) waxaa uu ahaa halyey Isboorti oo uu
noloshiisa oo dhan ku jiray Bahda Isboortiga
Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana
aaskiisa la filayaa inay ka qeyb galaan xubno ka socda xiriirka kubada
cagta Soomaaliyeed iyo Gudiga Olimbikada ee GOS.
Taariikh nololeedka Marxuum Shongole waa idin soo gudbin doonaa hadii
alle idmo