Pages

Tuesday, July 8, 2014

Dhismaha Ciidanka Damiska Somaliland oo la dhagax dhigay


Hargeysa(GNA)-Xubno ka socda Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Maayirka Caasimada Hargeysa ayaa Maanta si wada jir ah  u dhagax dhigay Dhismaha Ciidanka Dab-damiska.




Dhismahan ayaa laga dhagax dhigay Dhul banana oo ka dambeeya Aqalka Hoolka Shaqaalaha dawladda, halkaasoo Madaxtooyadu u qoondaysay, wallow dad rayid ah oo badani sheeganayaan.




Dhagax dhiga xaruntan ayaa waxa lagu soo bandhigay Gaadiid dab-damis ah oo dhawaan dawladda hoose ee caasimadu soo iibsatay.




Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, (Soltelco), oo ugu horayn Munaasibada ka hadlay ayaa ka warbixiyay sooyaalkii loo soo maray sidii Caasimadu dab-damis u heli lahayd.




Waxa uu sheegay Soltelco, in afar xarumood oo kale laga dhisayo daafaha magaalada.




Ciidanka Dab-damiska ah ee loogu talo galay hada Magaalada ayaa ka kooban 45 Askari, sida uu sheegay Maayirku.




Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyaya aasaaska Ciidanka, waxaanu sheegay inay Wasaaradda maaliyaddu kaalin mug leh ka qaadatay keenista Baabuurta Dabdamiska ah.




Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo gabagababadii xafladda ka hadlay ayaa ammaan balaadhan u soo jeediyay Dawladda hoose ee Caasimada, isagoo dhanka kale caddeeyay in Ciidanka Dad-damisku maamul ahaan hoos iman doono Taliska Ciidanka Bilayska.




Waran-cadde ayaa tilmaamay in Dab-damisku ka mid yahay addeegyada daruuriga u ah badbaadinta magaalooyinka , isagoo xusay inay bilihii ugu dambeeyay goobo ganacsi oo fara badani ku gubteen Magaallooyinka.




Halkan ka Daawo sawirrada:




DSC04022 DSC04023 DSC04024 DSC04025 DSC04026 DSC04027 DSC04028 DSC04029 DSC04030 DSC04031 DSC04032 DSC04033 DSC04034 DSC04035 DSC04036 DSC04037 DSC04038 DSC04039 DSC04040 DSC04041 DSC04042 DSC04043 DSC04044 DSC04045 DSC04046