W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI
24. WAA MAXAY ICTIKAAFKA.
Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni sadex iyo labaatanaad oo aynu kaga hadli doonoictikaafku muxuu yahay.
Ictikaafka waynu wada naqaan, waxaan u malaynayaa in warkiisana aynu kawada dharagsanahay, laakiin baraarujin ayaa iyadna ah arin aan dhamaad lahayn, hadaba Ictikaafku waa in la joogo Masaajidka iyadoo ajar iyo Cibaado niyada lagu hayo, laguna dayanayo Nabigeenii Suubanaa (NNKHH) kaa soo dhaqan u ahaan jirtay inuu Ictikaafo Ramadaan kasta tobankeeda danbe.
Waxaana jirtay in Nabigeenii Suubanaa (NNKHH) mar inuu Ictikaafay Tobanka hore ee Ramadaan, Tobanka dhexe raaciyey markii uu doonay inuu ka baxo masjidkii uu ku Icftikaafayay ayaa Jibriil usoo waxyooday oo uu ku yidhi "Muxamadoow waxa aad doonayso waa kaa horeeyaa" isagoo ula ajeeday Leylatul-Qadriga inuu ku jiro tobanka ugu dambeeya ee bisha Ramadaan, sidaa darteed Nabigu (NNKHH) waxa uu si joogta ah u Ictikaafi jiray Ramadaan kasta ilaa uu ka geeriyooday marna kama tagin, culimda Muslimiinta dhamaantood waxa ay isku raacsan yihiin asal ahaan inuu Ictikaafku yahay Sharci iyo Cibaado loogu dhawaanayo Eebe koreeye, Ramadaan ha ahaatoo ama yuusan ahaane, sidoo kale wuxuu ictikaafku waajib noqon karaa marka qofku ku nadro inuu icikaafayo, laakiin sida kale waa sune.
SHURUUDAHA ICTIKAAFKA.
Qofka ictikaafayaa waa inuu muslim yahay.
Qofka ictikaafayaa waa inuu ahaado qofka maskax ahaan caafimaad qaba.
Qofka doonayaa inuu Ictikaafo waa inuu niyad la yimaadaa, niyeestaana Ictikaafka uu la imanayaa inuu dar ilaahay u qabanayo.
Qofka Ictikaafayaa waa inuu ka daahir yahay Janaabo, gabadhuna daahir ka tahay labadii dhiigba, hadii isagoo daahir ahayn ictikaafo kama gudayo lamana aqbalayo.
Goobta lagu Ictikaafayo waa inay Masaajid ahaato, hadii qofku ku ictikaafo meel aan Masaajid ahayn ma ansaxayo aqbalna ma noqonayo ictikaafkaasi.
MASAAJIDKA UGU MUDAN IN LAGU ICTIKAAFO.
Masaajida ama goobaha Eebe lagu caabudaa way kala ajar badan yihiin wayna kala mudan yihiin, iyagoo hadana dusha ka wada ah masaajid, hadaba masaajidda ugu fadliga iyo ajarka badan waxa ka mida.
Masjidka xaramka sababtoo uu yahay masaajidka ugu fadliga badan.
Masjidka Nabaiga (NNKHH) ayaa isna ku soo xiga.
Masjidka Al-Aqsa ayaa isna soo sadaxeeya, nasiib daro waxa ah in maanta gacanta yuhuuda ku jiro, Eebana ka baryayno bishaa ramadaan inuu gacanta muslimka dib ugu soo celiyo masjidkaa qiimaha iyo qaayaha leh.
GABADHA DOONAYSA ICTIKAAFKA.
Hadii ay gabadh muslimada ahi doonayso inay Ictikaafto suno ahaan iyadoo xaas leh waa inay fasax ka qaadato Ninkeeda, hadiise Ictikaafkeedu yahay waajib waa inay Ictikaafka gudataa Xaqa dusheeda saaranna iska ridaa.
EEDAABTA ICTIKAAFKA.
Waa inuu ka fogaadaa waxyaabaha ka luminaya wakhtiga sida sheekada iyo wixii la mida ah.
Waa inuu camal farabadan la yimaadaa intuu masjidka ku ictikaafsanyahay.
Waa in qofku xaqdhawraa oo ilaaliyaa xaqa ay ku leeyihiin dadka masjidka ku ictikaafsani.
Waa inuu uu xurmeeyaa masjidka si wacanna u joogaa.
WAXYAABAHA JABIYA ICTIKAAFKA.
Qofka oo Diinta ka baxa isagoo Ictikaaf ku jira.
Masjidka oo cudur daar la'aan uu uga baxo isagoo ku jira Ictikaafka.
Qofka oo miyirku ka tago intuu ku guda jiro Ictikaafka.
Isagoo qofku u tago xaaskiisa isagoo ku jira ictikaafka.
Ictikaafku waa arin mudan in qofkii wakhti u hayaa inuu ictikaafo sameeyana, waayo waa arin uu kaga dayanayo rasuulkeenii muxumad (NNKHH), Eebe waxaan ka baryayaa inuu inaga aqbalo camalka aynu la imanayo intaynu masjidka Rabi dartii ugu ictikaafayno,
Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qormadeeni sadex iyo labaatanaad, Rabina waxaan ka baryayaa inuu camalka iyo cilmigaba inoo hagaajiyo, ictikaafka aynu dar ALLE ula imanaynana inaga aqbalo, kuwii naarta laga xoreeyana ha inaga yeelo, intaan aqoon korodhsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKUM WARAX MATULLAAHI WABARAKAATUH.
LA SOCO..........