Pages

Monday, July 21, 2014

Geerida Garaad Cabdilaahi: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Tacsi u diray


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray qoyska , qaraabada iyo Mujtamaca kale ee uu ka Geeriyooday marxuum Alle ha naxariistee Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo ka mid ahaa Madaxdhaqameedka Gobolka Buuhoodle oo shalay ku geeriyooday Magaalada Buuhoodle, halkaasna maanta lagu aasay.




War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska xisbiga kulmiye Maanta oo axad ah ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoo ku hadlaya afka Goleyaasha Xisbiga uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayo ehelada iyo qaraabada Marxuumka.




Dhambaalka ka soo baxay Xisbiga ayaa u dhignaa sidan:




“Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii, asxaabtii, bahda dhaqanka iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay Garaad Cabdilaahi Garaad soofe oo ku geeryooday magaalada buuhoodle, wuxuuna si gaara uga tacsiyaynayaa Duraan garaad soofe, Alle marxuumka haw naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman haynaga siiyo.




Aamin Aamin Aamin




ALLAH                 MAHAD             LEH




 




Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye




Md. Muuse Biixi Cabdi