Pages

Monday, July 21, 2014

Banaan bax looga soo horjeedo amni xumadda oo ka dhacay Muqdisho


Mudaharad2Muqdisho(GNA)-Banaan bax looga soo horjeedo amni darada Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka dhacay degmooyinka ka mid ah Magaalada.




Boqolaal dadweyne ah, ayaa isugu soo uruuray fagaare ku yaalla degmada Heliwaa , waxaana khudbad uga jeediyay halkaa xubno uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), guddoomiyaha maxkamadda ciidamada sare ee ciidamada qalabka sida, C/raxmaan Maxamuud (Tuuryare), guddoomiyaha haweenka Banaadir , Jawaahir Baarqab iyo xubno kale.




Jawaahir Baarqab oo ka mid ahayd haweenkii soo abaabulay mudaharaadkan ayaa sheegtay in dadka reer Muqdisho looga baahanyahay inay u midoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen kooxaha amni darada ka wada dhulkooda.




"Shacabka gobolka Banaadir waa inay soo sheegaan kooxaha cadowga ku ah horumarka magaaladan ka jira ee Al-shabaab ka tirsan," ayay tiri Jawaahir oo xustay in kooxaha Al-shabaab aanay hakin karin rabitaanka dadweynaha Muqdisho ee ku aaddan nabadgalyada iyo horumarka sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen magaalooyinka caalamka.




Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa isagu si gaar ah uga hadlay xukunnada lagu fuliyo xubnaha ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna ku boorriyay dadweynaha gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.




"Waxaan ballan-qaadayaa in maxkamad lasoo taagayo cid walba oo isku dayda inay cabsi-geliso shacabka, waayo Al-shabaab ayay noola mid tahay," ayuu yiri Tuur-yare oo intaa raaciyay inaysan cadaalad-darro ku sameyn doonin cid kasta oo lagu eedeeyo inay Al-shabaab ka tirsan tahay ama la shaqeyso.




Duqa Muqdisho, Muun-gaab oo isna khudbadda xiritaanka dibadbaxyada degmooyinka gobolka Banaadir jeediyay ayaa sheegay inaysan jirin jabhad Al-shabaab la yiraahdo oo Muqdisho dhinac ka haysata, laakiinse ay jiraan Al-shabaab u ekayaal oo la mid ah booddo iyo dhilqe shacabka ugu dhex-dhuumanaya, sidaa awgeed waxaan shacabka ka dalbnayaan inay iyagu yihiin kuwa kaliya ee sheegi kuwaas, balse aysan ku eekan ciidamada oo keliya.




"Ciidamada amniga ma arki karaan Al-shabaab dhuumaaleysanaya, hase yeeshee dadweynaha ayaa sheegi kara cid kasta oo xaafadahooda ku dhuumaaleysanaysa, haddii ay soo sheegaanna maxkamad ayaa la saarayaa kaddibna waa la tooganayaa," ayuu yiri Muungaab.




Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiye kasta oo ka tirsan maamulka degmooyinka gobolka lagula xisaabtamayo wixii ka dhacay degmadiisa, wuxuuna intaasi ku raaciyay in 50-kii guriba ay u magacaabeen guddoomiye, kaasoo lagula xisaabtamayo wixii ka dhacay xaafaddiisa.




"Al-shabaab annagaa jannada uga dhow, qofkii soo sheega, askarigii soo qabta, maxkamaddii xukunta iyo askartii toogata Al-shabaab dhammaantood jannada ayay galayaan," ayuu mar kale yiri Muun-gaab, isagoo xusay inuu horumarka gobolku ku xiran yahay dadweynaha ku nool.MUDAHARAAD  muharad1




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com