Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa booqasho ku tegay dalka Sucuudiga maalmaha soo socda.
Safarka Xirsi ayaa ku soo aadaya xilli uu Madaxweynaha Siilaanyo socdaal caafimaad ugu kicitimay dalka Ingiriiska, halkaasoo uu todobaadkan u ambo baxay, socdaal la filayay in Wasiirkiisa madaxtooyadu ku wehelinayo, balse ay ku wehelinayaan Marwadiisa iyo Xog-hayntiisa gaar ah.
Ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay socdaalka xirsi ee Sucuudiga ayaa sheegay inuu cimro u tegayo Xajka, isla markaana safarkiisu aanu wax xidhiidh ah la lahayn arrimo shaqo.
Ilo-wareedyo ku dhadhow Xafiiskiisa ayaa intaasi ku daraya in laga yaabo inuu dalka Sucuudiga inta uu joogo uu kulamo halkaa kula yeelan doono Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas, waxaana la filayaa inuu qaadhaan lacageed uga raadiyo mashaariicda dhismaha waddooyinka ee uu Ololaha ugu jiro.
Si kastaba ha ahaatee waa safarkii ugu horeeyay ee uu dalka Sucuudiga ku tago intii uu xilka ka hayay Xukuumadda Siilaanyo.
Wada shaqaynta ka dhaxaysa madaxweyne ku-xigeenka dalka ayaa inta badan la tilmaamaa inaanay wanaagsanayn, iyadoo mar hore oo madaxweynuhu dalka ka maqnaa ay isku dhaceen Xirsi iyo Saylici.
Sida la filayo marka uu sucuudiga ka soo laabto, waxa suurto gal ah inuu Madaxweyne Siilaanyo ku gaadho waddanka Ingiriiska, halkaasoo madaxweynuhu safarka caafimaad ee uu ku tegay aanay muddeysnayn, xilliga uu ka soo laabanayaa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com